Taliska Booliiska Boosaaso oo soo Bandhigay Tahriibayaal la soo Qab-qabtay

Axad, December 07, 2014 (HOL) — Ciidamada amniga degmada Bosaaso ee gobolka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay dad lagu qiyaasay sodomeeyo ruux oo tahriibayaal ah iyaga iyo doomihii ay ku safri lahaayeen ka dib howl-gal dhowr maalin socday oo ciidamadu ay ka fuliyeen Bosaaso.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari C/xakiin Yuusuf Xuseen oo shir ku qabtay saldhiga Bosaaso ayaa sheegay in howl-galkan  uu ahaa mid lagu soo afjarayay tahriibta oo aad ugu soo kordhaysay gobolka labadii sano ee la soo dhaafay.

“Waxaan bilownay olole aan kaga hortagaynno xafiisyo dadka laga tahriibiyo oo wakiilo ku leh wadamada dariska ah ,taasna maahan mid aan u dul-qaadan karno “ayuu yiri taliyaha oo si kooban maanta uga hadlay dadkan la soo qab-qabtay.

“Dadka aan hadda hayno waxa ay u badan-yihiin kuwa ka yimid dalalka aan dariska nahay ee Itoobiya iyo waliba Soomaaliya gudaheeda ,waana xirnay”ayuu mar kale yiri C/xakiim Yuusuf oo xusay in ay la dagaalamayaan tahriibta.

Sidoo kale, wasiirka amniga Puntland, Xassan Cismaan Aloore oo isna warbaahinta hadal siiyay ayaa sheegay in qofkii isaga oo wax tahriibanaya la qabto uu mutaysan doono ciqaab dhan inta u dhaxeysa laba ilaa shan sano oo xarig ah.

Ugu danbayn, wasiirka ayaa ka dalbaday shacabka in ay soo sheegaan hadii ay arkaan cid wax tahriibinaysa si sharciga loo horgeeyo, waxaana howl-galadan la sheegay in ay sii socon doonaan inta laga gaarayo sanadka cusub ee 2015-ka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]