
Axad, December 07, 2014 (HOL) — Mustaf Cali Dhuxuloow oo ahaa wasiirkii warfaafinta xukuumaddii la kalsoonida lagala laabtay ayaa manta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib amarkii ka soo baxay xafiisyada xeer-ilaalinta Qaranka iyo kan Hanti-dhowrka guud oo lagu sheegay inaanu jirin wasiir dhoofi kara inta uu xilka ka wareejinayo.
Dhuxuloow ayaa kusii jeeday Imaaraadka Carabta, iyadoo aan weli la ogeyn inuu haystay ogolaasho fasax ah iyo in kale, waxaana wasiirku uu ka mid ahaa xubnihii taageersanaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee kasoo hor-jeeday mooshinkii lagu riday xukuumaddii C/weli Sheekh Axmed.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ka dhoofidda Dhuxuloow uu Muqdisho ka dhoofay ay la xiriirto arrimo isaga u gaar ah; iyadoo dhoofkiisu uu imaanayo xilli aysan 24 saac ka soo wareegin amarkii lagu soo rogay wasiirrada xukuumaddii dhacday.
“Wasiir dalka ka bixi kara ma jirto inta uu xilka ka wareejinayo, markaas kaddib wasiirkii doonaya inuu dhoofo waa inuu warqad fasax ah ka haystaa xafiiska madaxweynaha dalka,” ayaa lagu yiri warqaddii xalay ka soo baxday xeer ilaailyaha guud ee Qaranka iyo Hanti-dhowrka dalka.
Sii-hayaha xilka wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa markii uu Muqdisho ka dhoofayay wax hadal ah siin warbaahinta, isagoo xilliyadii hore markii uu baxayo warbaahinta uga warrama safarkiisa iyo wuxuu la xiriiro.
Baarlamaanka federaalka Somalia ayaa shalay codka kalsoonida kala laabtay xukuumadda uu hoggaaminayo C/weli Sheekh Axmed, kaddib markii cod loo qaaday mooshin bishii hore laga keenay baarlamaanka.
Si kastaba ha ahaatee, ma jirto illaa hadda wax war oo dhoofka wasiirka meel ku gaarka ah ee wasaaradda warfaafinta ku saabsan oo kasoo baxay labadii xafiis ee Xeer-ilaalinta iyo Hanti-dhowrka, iyagoo qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ku sheegay inaysan wasiirrada xukuumaddoodii dhacday ka bixi karin dalka illaa inta ay xilalka Qaran ka wareejinayaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya