Axad, December 07, 2014 (HOL) — Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukunno ku ridday askar lagu soo eedeeyay inay is-baaro dhigteen iyo mid lagu eedeeyay dil oo horay racfaan uga qaatay xukun maxkamadi ku ridday.
Maxkamadda oo u fariisatay dacwadaha loo haystay toddobadan ruux oo lix ka mid ah lagu soo eedeeyay inay jidgooyooyin dhigteen waddada gasha deegaanka Jasiira iyo askari ku dilay suuqa Bakaaraha qof shacab ah.
Col. Xasan Cismaan Axmed ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamaddu ay ku ridday toddobada ruux ee eedeysanayaasha ahaa oo maanta lasoo is-taajiiyay maxkamadda.
“Maxkamadda waxaa u caddaatay in dable C/llaahi Jiinoow Maxamed uu 09 Jun, 2014 ku dilay gudaha suuqa ee Bakaaraha marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Sandhoole Xasan, iyadoo maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay horey ugu xukuntay inuu bixiyo boqol halaad oo ah diyadii marxuumkii uu dilay iyo labo sano oo xabsi ah taasoo 25 Jun 2014 ka billaabanaysay, waxayna maxkamaddu go’aanka ku raacday maxkamadii hore,” ayuu yiri Col. Xasan Cismaan.
Sidoo kale, Col. Xasan Cismaan ayaa ku dhawaaqay xukunnada kale ee ay maxkamaddu ku ridday lix qof ee ku eedeysnaa inay isbaarooyinka dhigteen deegaanka Jasiira, iyagoo sameystay boonnooyin been abuur ah oo ay lacago kaga qaadayeen gaadiidka, kuwaaasoo afar ka mid ah uu sheegay in lagu xukumay min 20 sano oo xabsi ciidan ah.
Afartan eedeysane ee lagu xukumay min 20-ka sano ayaa waxay kala yihiin: dable Abshir Xasan Caddow (Abshir yare), Alifle Cumar Maxamed Aadan, dable Cali Maxamuud Caddow iyo Abshir Xasan Caddoow oo milateiga iyo booliiska dowladda ka kala tirsan.
Halka Maxamed Cismaan Abiikar iyo Faarax Muuse Xasan Maxamed oo ka mid ahaa lixda qof iyagana lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ciidan ah. Iyadoo maxkamaddu aysan sheegin inay xukunnadan rafcaan ka qaadan karaan iyo in kale.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya