Shacabka Muqdisho oo Aragtiyo ka dhiibtay Go'aankii Baarlamaanka Somalia

Axad, December 07, 2014 (HOL) — Dadweynaha Muqdisho ayaa go’aankii kalsooni kala laabashadii xukuumadda Soomaaliya aragtiyo kala duwan ka bixiyay, iyadoo qaarkood ay sheegeen inay soo dhaweynayaan halka kuwo kalena ay ku tilmaameen dib u dhac.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay codka kalsoonida ah kala laabtay xukuumadda ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed, kaddib markii 153 xildhibaan ay codka kalsoonida ah kala laabteen, halka ay 80 xildhibaanna taageereen xukuumadda.

“Ra’yi ahaan waxaan u arkaa in kalsooni kala laabashada xukuumadda ay tahay mid loo bahaa… arrimo badan oo jira awgood, kuwaasoo ay ka mid yihiin; heshiisyo badan oo uu ra’iisul wasaaruhu saxiixay sida kuwii lala soo galay maamul-goboleedyada oo is-qabasi iyo is-faham-darro sababay iyo in uu ku takri falay awood dastuuri ah isagoo aan cidna kala tashan,” ayuu yiri C/raxmaan Maxamuud Axmed oo ka mid ah shacabka Muqdisho.

Sidoo kale, haweeney ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa iyaduna sheegtay inay u aragto tallaabadan dib u dhac ku tahay shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay sabab uga dhigtay inay noqonayso in ra’iisul wasaare lasoo dhiso, inuu xukuumad soo dhiso, in wasiirraddu ay shaqada la qabsadaan, iyadoo xustay in wax walba ay dib u dhacayaan sida doorasho dalka la gaarsiiyo 2016-ka.

DHAGEYSO: Ra'yiga Shacabka Muqdisho ay ka dhiibteen Go'aankii Baarlamaanka

Oday isaguna ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa kalsooni kala laabashadii xukuumadda Soomaaliya ku tilmaamay mid muujinaysa in Soomaaliya ay ka mid tahay qaramada jira oo arrimahooda xallisan kara, isagoo xusay in lagu kala baxay sharciga, kaddib markii la is-qabtay, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay tallaabadan mid cadaalad ah oo shacabka niyadda u dhisaysa.

Maxamed Ibraahim Buulle oo isaguna ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa ku tilmaamay kalsooni kala laabashada xukuumadda inuu ksoo horjeedo, isagoo xusay in madaxweyne Xasan Sheekh uu maray jidkii madaxweynayaashii ka horreeyay, kuwaasoo mar walba bedeli jiray ra’iisul wasaarayaasha hal sano markii ay wada-shaqeeyaan.

Buulle oo sii hadlaya ayaa xusay in madaxweynaha Somalia uu marayo laba ra’iisul wasaare tan iyo markii xilka loo doortay, kuwaasoo uu sheegay inay min hal sano shaqeynayeen, ayna su’aasha is-weydiinta mudan tahay marka uu madaxweynuhu soo magacaabayo ra’iisul wasaaraha kama fiisado miyaa?

Ugu dambeyn, haweeney iyaduna ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa hadal ay siisay warbaahinta ku sheegtay inay soo dhaweynayso kalsooni ra’iisul wasaaraha lagala laabtay, iyadoo xustay in la rido xukuumad walba oo aan bulshada waxba kusoo kordhinayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya