AMISOM oo ku Sifeysay Xal Go’aankii Kalsooni kala laabashada Xukuumadda


Axad, December 07, 2014 (HOL) — Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa AMISOM, danjire Maman S. Sidikou ayaa soo dhaweeyay habka baarlamanka Somalia uu kalsoonida ugala laabtay ra'iisul wasaaraha DFS, C/weli Shiikh Axmed, wuxuuna go'aanka ku sifeeyay mid sare u qaadaysa sharafta baarlamaanka Soomaaliya.

Danjiruhu wuxuu xusay in habka uu baarlamaanku u maray kalsooni kala laabashada RW C/weli Sheekh Axmed uu yahay mid lagu soo af-jaray khilaafkii taagnaa. Wuxuuna xusay in xildhibaannadu ay xal-waara ka gaareen murankii jiray.

Sidoo kale, danjire Maman Sidikou ayaa xusay inuu sidoo kale soo dhaweynayo hadalladii ay jeediyeen madaxweyne, Xasan Sh. Maxamuud iyo ra'iisul wasaarihii kalsoonida lagala C/weli Sheekh Axmed kaddib go'aankii ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka Somalia.

“Natiijadii codeyntii baarlamaanka Soomaaliya kasoo baxday iyo hadalladii ay jeediyeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha waxay muujiyaan inay hay’adaha kala duwan ee dowladdu awood u leeyihiin inay xal u heli karaan dhibaatooyinka noocan oo kale ah,” ayuu yiri danjire Maman Sidikou.

Danjiraha ayaa sheegay inay Midowga Afrika ka go'an tahay inay taageeraan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo aragtida 2016-ka iyo is-afgaradka heshiis cusub ee Somalia.

“Madaxweynaha Somalia waa inuu kusoo magacaabo 30 maalmood ee uu baarlamaanku u qabtay inuu ra'iisul wasaare kale kusoo magacaabo, waxaana kula taliyaa madaxweynaha inuu kala tashado magacaabista ra'iisul wasaaraha cusub inta ay arrintu khuseyso oo dhan," ayuu yiri danjire Maman S. Sidikou.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay ra'iisul wasaaraha cusub uu howsha halkaas kasii wado oo ay ku jiraan dalalka sameynta nidaamka federaalka, dib u eegista iyo ansixinta dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya