Siilaanyo oo la kulmay wafdiyo ka kala socday Yurub & Australia (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti balaaran oo ka socda dalalka Norway, Denmark, Holland iyo waddanka Australia.

Waftigan oo uu hogaaminaayey Safiirka Dalka Australia Mr. Geoffrey Tooth, ayaa waxa safarkooda ku wehelinayey saraakiil ka socday hay’adda  UNODC oo qabanqaabadda safarkan lahayd, kuwaas oo madaxweynaha ka wada hadlay arrimaha budhcad badeedda.

Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in waftigani saddexdii  cisho u dambeeyey dalka joogeen, kuwaas oo ay ka wada hadleen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen arrimaha budhcad badeedda.

“Wafdigan waxay ka mid yihiin dalalka la dagaalama budhcad badeedda gaar ahaan xoogga saara gobolkan geeska Afrika, waxaanay Somaliland qayb ka tahay wadamadda la dagaalama budhcad badeedda ee caalamka gacan ka siiya la dagaalanka budhcad badeedda, taas oo  ka wada hadlaynayey arrimaha budhcad badeedda”ayuu yidhi wasiirka Cadaaladda Somaliland Caydiid oo ka hadlayey kulankii ay la yeesheen weftigan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay hogaamiyaha weftigan Safiirka Austalia Mr:Geoffrey Tooth oo sheegay inay madaxda Somaliland ka wada hadlayeen arrimaha budhcad badeedda iyo sidii dhinac looga soo wada jeesan lahaa.

Kulanka madaxweynaha waxaa kala qaybgalay madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan,Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka, Inj. Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Ganacsiga iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Maxamed Cabdilaahi Cumar,Wasiirka Beeraha, Mudane Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibeda, Mudane, Mowliid Maxamed Karaani, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha , Mudane Cali Axmed Cali

Xubnaha Wafdiga ayaa waxay kala ahaayeen:

1.  Geoffrey Tooth High Commissioner (Australia)
2. Amanda Davis Deputy head of Mission Australian High Commission Nairobi
3. Johan Frederik Mau, Programme Officer at Embassy of Denmark in Kenya
4. Mr. Jan-Petter Holtedahl, Counselor at Royal Norwegian Embassy in Nairobi 
5. Carl P. Salicath Director for Maritime Security (Norway)
6. Andreas Skulberg Deputy DG at Ministry of Justice and the Police (Norway)
7. Senior Adviser Section for Sub-saharan Africa Ministry of foreign Affairs (Norway)
8. Alain Ancion Deputy Ambassador to Somaliland and Somalia (Holland)
9. UNODC- Koshin
10. Leonardo Hoy-Carrasco Consultant Hostage upport UNODC MCP
11. Rainer Fraunfeld, Director, Nairobi Operational Hub
12. Patrick Fruchet, Deputy Director, Nairobi Operational Hub
13. Francesca Caonero Associate Expert-PPTP

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland