
Khamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay xalay, isagoo ka warbixiyey safarkiisii iyo wixii uga qabsoomay.
Mudane Jawaari iyo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa dhowr casho ku sugnaa magaalada Baydhabo halkaasoo u tageen sidii xal looga gaari lahaa xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso maamullo looga dhawaaqay magaaladaas.
Afhayeenka baarlamaanka oo ka haray wafdigii madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulammo kala duwan la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka Baydhabo, wuxuuna sheegay in kulammadaas ay guul kusoo dhammaadeen.
“Waxaan uga mahadcelinayaa bulshada iyo hoggaanka Baydhabo sidii ay noogu soo dhaweeyeen degmada, xubnihii aan la kulannayna waa dad diyaar u ah in la helo maamul iyo kala dambeyn,” ayuu yiri Jawaari.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in dhinacyadii siyaasadda isku hayay ay hadda diyaar u yihiin wadahadal dhexmara, ayna ku dadaalayaan sidii ay xal uga gaari lahaayeen xiisada siyaasadeed ee ka jirta Baydhabo.
“Waxaan u tagnay dad u ooman inay dhistaan maamul, inkastoo ay siyaasadda isku khilaafsan yihiin, haddana waxaa mahad Ilaahay ah inay isku yimaadeen oo ay diyaar u yihiin inay wada-hadlaan oo ay is-fahmaan, ayna dhisaan maamul ay shacabka u dhan yihiin,” ayuu hadalkiisa ku daray Jawaar.
Dhanka kale, wuxuu xusay inay shacabka magaaladaa Baydhabo diyaar u yihiin inay magaalada nadiifiyaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada amniga dowladda, ayna taakuleeyaan howlaha ka socda magaaldooda.
Ugu dambeyn, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in bulshada reer Baydhabo ay u caddeeyeen in dowladda dhexe ay ka daahday in ay khilaafka siyaasadeed wax ka qabato, taasna ay garwaaaqsadeen isaga iyo madaxweynaha Somalia ay u ballan-qaadeen in dowladdu ay gacan ka geysan doonti sidii wax looga qaban lahaa murannada siyaasadeed ee jira.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhawaanahan ka jiray muran siyaasadeed u dhexeeya laba maamul oo isku haya maamulidda gobollada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyadoo labadan maamul oo midkood lix gobol uu ka kooban yahay, kan kalena saddex gobol ay ku dhawaaqeen labada madaxweyne oo kala duwan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya