Khamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow ayaa ka qaybgalay munaasbadda sannad-guuraddii labaad ee kasoo wareegtay markii la asaasay Dalsan Radio.
Wasiirka wuxuu kulan la yeeshay madaxa Dalsan Radio, Maxamed Cali Ibraahim (Cajiib) iyo agaasimaha, Xasan Cali Geeseey oo uu ugu hambalyeeyay asaaska Dalsan Radio.
Wasiirka wuxuu ammaanay horumarka ay Idaacaddu ku tallaabsatay muddada kooban ee ay shaqeynayso, wasaarradiisuna soo dhaweynayso warbaahinnada madaxa-bannaan, wuxuuna ku booriyay madaxda idaacadda inay wacyi-gelinta bulshadda, nabadda iyo horumarka dalka ay qayb weyn ka qaataan.
Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda qorsheynta Qaranka, Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa isaguna u hambalyeeyay agaasinka iyo shaqaalaha Dalsan oo maanta u dabaal-degayo sannad-guuraddii labaad ee kasoo wareegtay markii la asaasay Dalsan Radio.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Sidoo kale, wasiir-ku-xigeenka ayaa sheegay inay farxad u tahay inuu idaacadda Dalsan soo booqdo, kana qayb-galo munaasbadda loogu dabaal-dagayo asaaska idaacadda.
Wuxuu tilmaamay in Dalsan Radio ay ka mid tahay idaacadaha uu sida gaarka ah u dhegeysto, wuxuuna rajeeyay inay ka mid noqoto idaacadaha caalamiga ee dunida ka jira.
Dhinaca kale, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda diinta iyo owqaafta, Yuusuf Xayle Geelle oo isna ka mid ahaa mas'uuliyiintii ka qayb galay munaasabadda sannad-guuradda labaad ee Radio Dalsan.
Yuusuf Xayle ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qayb-galo xaflad lagu maamusayo asaaska Dalsan Radio, wuxuuna u hambalyeeyay maamulka & shaqaalaha idaacadda Dalsan.
Ugu dambeyn, wasiir-ku-xigeenku wuxuu carrabka ku dhuftay inay isaga iyo wasiirro kale ku taxan yihiin Dalsan Radio, isla markaana ay idaacaddu tahay mid ay u wada-siman yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya