Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Sheegay inuu is-casilay


Khamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xirsi (Qorrax) oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu iska casilayo xilkiisa, kaddib markii uu sheegay inaau muuqan isbedelkii uu filyay in Somalia ay ka sameeyaan.

Qorrax oo la hadlayay BBC-da isagoo ku sugan degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in odayaashii u dhiibay xilkan uu dib ugu celiyay uuna ku wargeliyay inay u magacowdaan ciddii ay dooanaan.

“Anigu waxaan ku taamayay markii aan baarlamaanka ku biirayay in laga baxay xilligii KMG ahaa, loona gudbay xilli dowlad dhameystiran ay dalka ka jirto, isla markaana aan isbedel muuqda sameyn karno. Balse taasi ma muuqato, waana midda igu kalliftay inaan xilkayga iska casilo,” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale, mudanahan iscasilay ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee isku casilay ay ka mid tahay inay kala yar yihiin mushaarka ay qaataan iyo howsha ay qabtaan, ayna taasi tahay mid xaq-darro ah, maadaama lacagaha mushaarka ay u qaataan ay yihiin kuwo canshuur ahaan kaga yimaada bulshada.

“Howsha ay xildhibaannadu qabtaan iyo mushaarka ay qaataan ma ahan kuwo isku dhigma, taninan waxay ka mid tahay waxyabaaha ugu waaweyn ee aan xilkayga uga tagayo,” ayuu Qorrax hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay xildhibaankan iscasilay inuu wakiil ka yahay beeshii soo doortay oo cabashooyin badan ka qabta dowladda, balse aysan jirin wax uu ka fulin karo cabashooyinkaas, sidaa daraadeedna uu go’aansaday inuu baarlamaanka ka tago.

Ugu dambeyn, mudanuhu wuxuu sheegay in isagoo aan xildhibaan ahayn uu dadaal u geli doono inuu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto, balse ma jirto sharraxaad intaa ka badan oo uu ka bixiyay waxa uu qabanayo iyo jidadka uu u marayo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mudan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaaqo inuu xilka iska casilay, iyadoo ay dhowr xildhibaan xilalkoodii ka tageen tan iyo markii la dhisay baarlamaanka federaalka Soomaaliya bartamihii sannadkii 2012-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya