Mudanayaasha Somalida-Kenya oo ka Shiraya Dhibka lagu hayo Soomaalida

Khamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Kenya ee Soomaalida ah ayaa lagu wadaa inay maanta ku yeeshaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan ay kaga hadlayaan dhibaatooyinka lagula kaco Somalida xilliyada ay qaraxyadu ka dhacaan Nairobi.

Bilow Keerow oo ka mid ah mudanayaasha Soomaalida ah ee ku jira baaralmaanka Kenya ayaa sheegay in kulankooda ay kaga hadli doonaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ay booliiska Kenya ku hayaan Soomaalida, kuwaasoo isugu jira, xarg, dhac iyo dhibaateyn kale.

“Waxaan doonaynaa inaan maanta ka hadalno xildhibaannada Somalida ah ee ka midka ah baarlamaanka dalka Kenya, dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida iyo in mar walba lagu eedeeyo inay yihiin argagaxiso,” ayuu yiri xildhibaan Keeroow.

Sidoo kale, mudanaha oo u warramayay BBC-da ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay iyada mas’uul ka tahay, ayna walba oo dhibaato dhacdo ay beegsadaan dadka Soomaalida ah ee ku nool Islii iyo Nairobi inteeda kale, iyagoo ku eedeynay inay yihiin argagaxiso.

“Annagu taas ma ogolaanayno, dowladda iyada ayaa mas’uul ka ah ammaanka, waxa laga doonayana waa inay iyadu baaritaanno dheeraad ah sameyso, balse ma ahan inay dib ugu soo laabato Soomaalida oo ay ku eedeyso inay yihiin argagaxiso,” ayuu yiri mudanaha.

Mudanaha ayaa sheegay in qaraxyadii Kenya ka dhacayay muddada sannadaha ah in ka badan 90% la ogaaday inay geysteen dad aan Soomaali ahayn, balse marka ay wax dhacaan ay dowladdu ku eedeyso Soomaalida inay argagaxiso yihiin.

Su’aal ahayd maxay Soomaalidu isaga dhex-qaban la’yihiin kuwa dhibaatooyinka wada ee ku dhex-jira, ayuu kaga jawaabay in Soomaalida lagu tuhmo inay wixii dhacay ku lug lahaayeen mooyeen aysan jirin qof Soomaali ah oo la xaqiijin karo inuu dhibaato geystay.

Hadalka mudanaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada Kenya ay howlgallo ay ku qabqabteen in ka badan 600-qof ay ka wadaan xaafadda Islii oo Nairobi ka mid ah, iyadoo xalay oo ugu dambeysay ay ciidamadu galayeen hoteellada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya