
Khamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) — Macalinkan oo u dhashay Ingiriiska ayaa killidiisa ugu deeqay Caaliya Axmed Cali oo ka tirsanayd ardaydiisa, kadib markii gabadhan oo 13-sano jir ah ay muddo la xanuunsanaysay cudur ka hayay kilyaha.
Ray Coe oo 53-sano jir ah ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan-yahay tallaabada uu qaaday ,isagoo tilmaamay in uu isu arko geesi dhab ah oo bad-baadiyay nolosha gabadhan oo xaaladeeda laga dayrinayay.
"Waan ka ka war-qabay suur-tagalnimada arintan ay ku hirgali gali karto, balse waxaan weydiiyay hooyada gabadhan in aan noqon karo qof, iyada ugu deeqa killidiisa "ayuu yiri Ray Coe oo la hadlayay warbaahinta.
"Si caadi ah ayaan uga war-hayay saamaynta howshan iyo waxaan samaynayo, markii na-loo sheegay arinta Caaliya cadaadisa ayaan dareemay runtii ,markasta oon ka fakarana ilin ayaan indhahayga ku soo istaagaysay," ayuu hadalkiisa ku daray macalinkan.
Inta badan wey yartahay in lagu guulaysto talaallidda kilyaha dad aan isku jinsiyad ahayn sida Caaliya iyo Coe oo kale ,waxaana 100,000 oo qaliin lagu guulaystaa hal mid oo ka kamid ah sida ay ku warameen dhaqaatiirta arintan ku shaqada leh.
"Waxaan u arkaa in gabadhayda uu siiyay jaaniskii labaad ee ay ku noolaan lahayd mar kale, waana wax ka weyn hadiyad la isa siiyo arintan oo kale "ayuu yiri Axmed Cali oo ah aabaha dhalay gabadhan oo ku nool Stratford.
Ugu danbayntii qaliinkii killida lagu siinayay gabadhan yar ayaa ka dhacay cisbitalka Great Ormond Street Hospital bishii Febraayo ee la soo dhaafay,w axaana lagu wadaa in iskuulka ay dib ugu soo laabtaan dhawaan .
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]