Khamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada Xukuumada Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoominayay ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed waxaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin: ammaanka dalka, howgallada ka socda gobollada dalka qaarkood iyo gargaarka lagu caawinayo dadka ku nool deegaannadii Al-shabaab laga saaray.
Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay xeerka isgaarsiinta dalka oo wasaaradda Isgaarsiintu ay soo gusbisay, xeer hoosaadka golaha wasiirrada, iyadoo goluhu uu si aad ah uga dooday arrimahan oo dhan.
Wasiir ku-xigeenka warfaafinta, Cabdullaahi Colaad Rooble oo kaddib kulanka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in goluhu ugu horreyn dhegeystay warbixinta wasaaradda amniga Qaranka oo sheegtay inuu jiro horumar laga gaaray sugidda amniga, toddobaadkii horena ay wasaaraddu gacanta ku dhigtay xubno Shabaab ka tirsan, kuwaasoo si dhuumaaleysi ah ugu sugnaa xaafado ka tirsan Muqdisho iyo deegaannada ciidamada isbahaysanaya la wareegeen.
Intaas kaddib, wasiir ku-xigeenku wuxuu sheegay in goluhu ka hadleen qaabka farsamo ee loo gaarsiinayo gobolada dalka gurmad ay xukuumaddu u fidinayso dadka ku dhaqan deegaannada laga saaray Al-shabaab, wuxuuna caddeeyay in gurmadkii ugu horreeyey loo diray maanta gobollada Shabeellada Hoose iyo Bay, gaar ahaana degmooyinka Qoryooley, Buur-hakaba iyo Baydhabo. Isagoo xusay in dhammaan la gaarsiinayo maalmaha soo socda deegaannada kale.
Dhanka kale, wasiir ku-xigeenka wuxuu xusay in laga dooday xeerka isgaarsiinta dalka, dibna loo dhigay kulanka dambe, sidoo kale laga dooday xeer hoosaadka golaha wasiirrada laguna kordhiyay qodobbo kuwa kalena laga dhimnay, dibna loo dhigay tan iyo kulanka dambe.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya