Khamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa toddobaadkan sheegay in ciidamada AMISOM ay Somalia ka bixi doonaan marka dib loo dhiso ciidamada xoogga, isagoo ku sheegay wareysi uu siiyay Al-jazeera TV.
Mudane C/weli ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo AMISOM ay ka gaareen guulo la taaban karo ka gaareen howlgallada ka socda gobollada dalka qaarkood, ayna howlgalladaas sii socon doonaan inta laga adkaanayo Al-shabaab.
“Howlgallada socda waa kuwo muhiim ah, waana ku faraxsannahay howlgallada ay wadaan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, waxayna la wareegeen sagaal degmo oo ku yaalla gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo ay u adeegsan jireen Al-shabaab inay dhallinyarada ka qortaan lacagana ka urursadaan dadka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaliya oo ka jawaabayay su’aal ahayd wuxuu ku micneyn karo howlgallada billowga ah ee gobollada dalka ka socda.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa la weydiiyay sida ay ku dhacday in Al-shabaab oo laga qabsaday deegaanno badan ay haddana Muqdisho qaraxyo iyo weerarro dhiig ku daatay ka geystaan, sida inay beegsadaan madaxtooyada Soomaaliya iyo xarunta Qaramada Midoobay. Isagoo ku jawaabay.
“Al-shabaab waa koox naf-la-caari ah, waxay doonaan ayay sameeyaan, laakiinse waxaan la kaashan doonnaa laamaha amniga sidii looga hortegi lahaa weerarrada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho.”
Mar kale ayaa ra’iisul wasaaraha la weydiiyay inay doonayaan inay Al-shabaab la hadlaan iyo in kale, isagoo ku jawaabay inay fariimmo u direen xubnaha aan fikradaha shisheeye wadan ee Al-shabaab ka tirsan, ayna soo dhaweynayaan haddii ay kusoo biirayaan.
Dhanka kale, ra’iisul wasaraha Soomaaliya ayaa wax laga weydiiyay warbixintii ku saab-sanayd in hubka dowladda uu gacanta u galo Al-shabaab ee ay soo saareen guddi ka tirsan Qaramada Midoobay, isagoo si fudud uga jawaabay ayuu sheegay in uusan ogeyn hub ay dowladdu leedahay oo Al-shabaab gacanta u galay ama la siiyay.
“Wabixintaas ma ahayn mid wax nagala weydiiyay, waxaan u qaadanay inay mid khatar ah ahayd, waxaanse baaraynaa sida ay arrintaas ku dhacday, mana ogi hub Al-shabaab ama beelo gacanta loo geliyay,” ayuu C/weli Sheekh hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa la weydiiyay xilliga ay Somalia ka baxaayaan ciidamada shisheeye ee caawinaya, isagoo ku jawaabay in markay dib u dhis ku sameeyaan ciidamadooda ay bixi doonaan.
“Waxaan qorsheynaynaa inaan dhisno ciidamada xoogga dalka, laba todobaad ka horna waxaa qaraar dib loogu dhisayo cidamada Soomaaliya qaatay ururka IGAD. Markaan awood u yeelanno sugidda ammaanka dalkeenna way iska baxayaan gabi ahaan ciidamada walaalaha AMISOM,” ayuu yiri C/weli Sheekh oo sharraxaad ka bixinayay xilliga ay ciidamada AMISOM ka baxayaan Soomaaliya.
Isla su’aal kale oo ahayd xilliga ay dhacayso inay awood u yeeshaan inay amniga dalka oo dhan adkeeyaan ayaa la weydiiyay, isagoo ku jawaabay: “Taasi waqti ayay qaadanaysaa, waayo dalkan wuxuu dhibaato kusoo jiray 20-sano ka badan, dib u dhisna ciidamadana waqti ayay qaadanaysaa.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya