4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2013
Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiga DADKA (People Party) oo socdaallo kala duwan ku maraya Deegaannoo ka tirsan Gobolka Bay
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) —  Xubnaha sarsare xisbiga DADKA oo ka mid ah xisbiyada siyaasdeed ee dalka ka jira ayaa booqasho ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Bay, iyagoo dhawaan xafiis ka sameystay degmada Baydhabo ee xaruna gobolkaas.


Socdaalkan ayay sheegeen saraakiishu xisbiga inuu yahay mid ay dadka wacyi-gelin ugu sameynayaan si ay u helaan taageero ballaaran oo dhinaca shacabka ah, iyadoo guddoomiyaha xisbigan Siciid Ciise Maxamuud uu ka mid ahaa murashaxiintii u tartamay xilkii madaxnimo ee Soomaaliya.

"Deegaannada booqashooyinka aan ku marayno waxaa ka mid ah degmada: Baydhabo, Qansax-dheere iyo Bardaal, oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya," ayuu yiri sarkaal sare oo u hadlay xisbiga, isagoo sheegay inay kulammo la qaadanayaan dadka shacabka ah iyo cuqaashada deegaannadaas.

Sidoo kale, saraakiisha xisbiga DADKA waxay sheegeen in qorshahoodu uu yahay inay caawiyaan shacabka dhibaateysan ee ku nool deegaannadaas, iyagoo xusay inay si waad ah ugu farxeen soo dhaweynta loo sameeyay.

Xisbigan oo sannadkii lasoo dahafay la dhisay ayaa noqonaya xisbiga keliya ee ugu jira dadaalka sidii uu shacabka Soomaaliyeed taageero uga heli lahaa taageero, iyadoo xisbigan uu ka mid ahaa xisbiyadii ku tartamay doorashadii madaxnimo ee ka dhacday dalka sannadkii hore.

Si kasta ha ahaateen xisbiga DADKA ayaa noqonaya xisbigii ugu horreeyay oo xafiis ka sameysa deegaan ka baxsan Muqdisho, iyadoo dalka uu u muuqdo inay si aad ah ugu soo kordhayaan xisbiyada siyasaadeed ee ku tartamaya hoggaanka dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya