Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Golaha wakiillada Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh kumeel mariyey miisaaniyadda dowladda ee sanadkan cusub ee 2013 oo ay maalmihii u danbeeyey ka doodayeen.
Fadhiga Baarlamaanka ee maanta oo ay hor yimaadeen mas’uuliyiin uu ku jiro wasiirka maaliyadda Faarax Cali Shire iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga dejiyey miisaaniyadda, waxaa soo xaadiray 47 xildhibaan.
Ugu horeyn waxay qaar kamid ah xildhibaanadu weydiiyeen wasiirka maaliyadda su’aalo ay kamid ahaayeen: meesha ay ku maqan yihiin mushaharaadka aan weli la bixin ee ku jirey miisaaniyaddii hore iyo in miisaaniyadda cusub lagu daray qorshe lagu ballaarinayo kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedda magaalada Boosaaso.
Wasiirka ayaa sheegay in miisaaniyaddu ay is dhimi karto maadaama aysan dowladdu lahayn ilo dhaqaale oo sugan, wuxuuna intaas raaciyey in mushaharaadka dowladda lagu leeyahay sida ugu dhaqsaha badan looo bixin doono.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa intaas kadib ku dhawaaqay natiijada cod loo qaaday ansixinta miisaaniyadda kaasoo u dhacay qaab gacan-taag ah.
Wuxuuna sheegay in ay ansax tahay maadaama ay 46 kamid ah xildhibaanadii fadhiga soo xaadiray ay “HAA” ugu codeeyeen, halka uu mid keli ahi ka aamusay, gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in miisaaniyadda sanadka 2013 ay le’eg tahay tii sanadkii hore ee 2012.
Doodda uu Baarlamaanku ka yeeshay miisaaniyadda uu maanta ansixiyey ayaa soo bilaabay 24-ta bishii December ee sanadkii hore.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay Miisaaniyadda ay Dowladdu ku shaqeyso Sannadkii 2013.
More News
- Jaamacad loogu magac daray Somali International University [SIU] oo laga furay Magaalada Muqdisho
- Wasiirka Ammaanka Maamulka Puntland: “Puntland cidna marti ugama ahan ku Dhaqanka Shareecada Islaamka”
- AMISOM oo sheegtay inay la shaqeynayso Hay’adda Nabadsugidda Qaranka si ammaan loogu soo rogo Soomaaliya
- Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo yeeshay shir ay uga hadleen arrimo ay ugu horreeyaan ammaanka
- Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo sheegay in heshiis laga gaaray khilaaf soo dhexgalay Wasaaraddiisa iyo shirkadaha Jaadka
- Madaxweynah Soomaaliya oo ka qaybgalay xirtaanka Kal-fadhigii Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya
- Weerar Bambaano oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada Dowlada ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Kismaayo
- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Kenya oo Dalbaday in Xaafadda Islii [Easleigh] laga soo saaro Saraakiisha Ciidamada Howlgallada wada
- Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiga DADKA (People Party) oo socdaallo kala duwan ku maraya Deegaannoo ka tirsan Gobolka Bay
- Ciidammo fara badan oo saakay la dhoobay Xaafadaha iyo Jidadka Waaweyn ee Magaalo Xeebeedda Boosaaso
- JEN. CABDI QAYBDIID: "Waxaa billowday Qorshe lagu mideynayo Maamullada ka jira Gobollada dhexe ee Soomaaliya"
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Booliiska Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay xaqiijiyeen ammaanka Muqdisho