Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay xiritaanka kalfadhigii koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo soo billowday sannadkii hore, kuwaas oo soo doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii 10-kii bishii September ee sannadkii hore.
Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay xildhibaannada barlamaanka howshii cuslayd ee ay soo qabteen iyadoo jiraan daruufo adag, isagoo xusay in haddii la muujiyo isku xirnaan ay guuleysan karto Soomaaliya.
”Soomaaliya karaamad iyo ixtiraam ayay u tahay inay leedahay baarlamaan mas’uuliyadiisa saaran tahay. Dastuurka in la dhemeystiro waa waajib saaran dhammaan dowladda. Dalka waa in federaal laga dhigo oo ay si xor ah u dortaan shaqsiga hoggaaminayo,” ayuu ku yiri madaxweynuhu hadla uu u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka.
Mar uu ka hadlay maamul goboleedyada ayuu sheegay in baarlamaanka laga sugayo inay keenan qorshihii lagu dhisi lahaa. Sidoo kale madaxweynaha ayaa baarlamaanka ogeysiiyay in deegaan walba uu dooranayo mas’uulka hoggaamin doono. Loona baahan yahay dowladda in la gaarsiiyo dhammaan gobolladda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay xildhibaannada baarlamaanka inay ka qayb-qaatan sugidda amniga ayna u baahan yihiin inay la hadlaan shacabka ay matalaan ee ku sugan dalka ama dibaddiisa si ay ugu qayb-qaataan dhaqaale aruurin loo sameynayo dowladda.
Gabagabadii hadalkiisa ayuu madaxweynuhu faahfaahin ka bixiyay amniga kuna tilmaamay inuu yahay muhiimadda koobaad ee dowladda; isagoo ku boorriyay xildhibaannada inay xiliga fasaxa ay kasii shaqeeyaan amniga.
Xirtaankii kalfadhigii baarlamaanka Soomaaliya oo ay soo xaadireen 153 mudane ayaa waxaa shir-guddoomiyaya guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu baaqay xildhibaannada kulammada ka maqan inay yimaadaan marka 06-da bisha Maarso ee sannadkan oo uu dib u furmayaan kalfadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.
Fasaxa xidhibaannadu ayaa qaadanaya laba bilood, isagoo ah kii ugu horreeyay oo ay xildhibaannada baarlamaanku galaan, waxaana fadhigii koowaad ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dalka, golaah wasiirrada iyagoo sidoo kale ku doortay madaxweynaha Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynah Soomaaliya oo ka qaybgalay xirtaanka Kal-fadhigii Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya
More News
- Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay Miisaaniyadda ay Dowladdu ku shaqeyso Sannadkii 2013.
- Jaamacad loogu magac daray Somali International University [SIU] oo laga furay Magaalada Muqdisho
- Wasiirka Ammaanka Maamulka Puntland: “Puntland cidna marti ugama ahan ku Dhaqanka Shareecada Islaamka”
- AMISOM oo sheegtay inay la shaqeynayso Hay’adda Nabadsugidda Qaranka si ammaan loogu soo rogo Soomaaliya
- Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo yeeshay shir ay uga hadleen arrimo ay ugu horreeyaan ammaanka
- Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo sheegay in heshiis laga gaaray khilaaf soo dhexgalay Wasaaraddiisa iyo shirkadaha Jaadka
- Weerar Bambaano oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada Dowlada ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Kismaayo
- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Kenya oo Dalbaday in Xaafadda Islii [Easleigh] laga soo saaro Saraakiisha Ciidamada Howlgallada wada
- Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiga DADKA (People Party) oo socdaallo kala duwan ku maraya Deegaannoo ka tirsan Gobolka Bay
- Ciidammo fara badan oo saakay la dhoobay Xaafadaha iyo Jidadka Waaweyn ee Magaalo Xeebeedda Boosaaso
- JEN. CABDI QAYBDIID: "Waxaa billowday Qorshe lagu mideynayo Maamullada ka jira Gobollada dhexe ee Soomaaliya"
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Booliiska Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay xaqiijiyeen ammaanka Muqdisho