Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Wasiirro ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa dalbaday in si dhaqso ah looga soo saaro xaafadda Soomaalidu degto ee Islii saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Kenya ee howgallada kawada xaafaddaas, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay geystaan xadgudubyo iyo dhac.
Wasiirka difaaca, Yuusuf Xaaji iyo wasiirka horumarinta gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamed Cilmi ayaa ka dalbadeen dowladda inay shaqada ka cayriso saraakiisha lagu eedeeyo inay dadka dhibaatooyin u geystaan, iyagoo ku mar-marsiinyo ka dhigaya sugidda ammaanka.
"Baarlamaanku waa inuu si dhaqso ah ku xalliyaa arrintan; diiwaangelin ayaana ku soo sameynaynaa dhacdooyinka waxaana tusaynaa xukuumadda, waayo ma ahan mid aan ka aamusi karno," ayuu si caro leh ku yiri Yuusuf Xaaj oo hoggaaminayay koox ka tirsan baarlamaanka Kenya oo dhawaan la kulmay guddiga ganacsatada xaafadda Islii.
"Waan sheegaynaa saraakiisha booliiska umana dul-qaadanayno dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabkeenna," ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray, isagoo la hadlayay baarlamaanka Kenya.
Xildhibaannada kala ah: Aadan Barre Ducaale, Yuusuf Xaaji, Ibraahim Maxamed Cilmi iyo Safiyo Cabdi oo dhammaantood laga soo doorto gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa waxay sheegeen in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen shacabka ku nool Islii, iyagoo ugu marmarsiyoonaya inay yihiin argagaxiso oo lug ku lahaa weerarro ka dhacay xaafaddaas sannadkii hore.
Xasan Guuleed oo u hadlay guddiga ganacastada xaafadda Islii ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka Kenya inay dadka lacago ka qaataan sidoo kalena ay dhac u geysteen hanti shacabku leeyahay, ayna si aan kala sooc lahayn u dhibaateeyaan dadka ku nool xaafadda Islii.
"Dadka la xiro noocuu doono ha ahaado qof weyn iyo ilmo waxay ciidamadu ka qaataan lacag gaaraysa 15,000 oo lacagta Kenya ah. Ganacsade ayaa isaguna ii sheegay in laga dhacay 500,000 oo lacagta Kenya ah," ayuu yiri Guuleed.
Laakiinse, taliyaha waaxda dambi-baarista booliiska Kenya ee ku taalla Pangani, Mr Dumba Tankarani ayaa diiday eedeymahaas, wuxuuna sheegay in dadka lasoo qabto ay iyaguna lacagaha u bixiyaan si loo sii daayo, iyaguna aysan ka qaadan wax lacag ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Kenya oo Dalbaday in Xaafadda Islii [Easleigh] laga soo saaro Saraakiisha Ciidamada Howlgallada wada
More News
- Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay Miisaaniyadda ay Dowladdu ku shaqeyso Sannadkii 2013.
- Jaamacad loogu magac daray Somali International University [SIU] oo laga furay Magaalada Muqdisho
- Wasiirka Ammaanka Maamulka Puntland: “Puntland cidna marti ugama ahan ku Dhaqanka Shareecada Islaamka”
- AMISOM oo sheegtay inay la shaqeynayso Hay’adda Nabadsugidda Qaranka si ammaan loogu soo rogo Soomaaliya
- Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo yeeshay shir ay uga hadleen arrimo ay ugu horreeyaan ammaanka
- Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo sheegay in heshiis laga gaaray khilaaf soo dhexgalay Wasaaraddiisa iyo shirkadaha Jaadka
- Madaxweynah Soomaaliya oo ka qaybgalay xirtaanka Kal-fadhigii Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya
- Weerar Bambaano oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada Dowlada ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Kismaayo
- Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiga DADKA (People Party) oo socdaallo kala duwan ku maraya Deegaannoo ka tirsan Gobolka Bay
- Ciidammo fara badan oo saakay la dhoobay Xaafadaha iyo Jidadka Waaweyn ee Magaalo Xeebeedda Boosaaso
- JEN. CABDI QAYBDIID: "Waxaa billowday Qorshe lagu mideynayo Maamullada ka jira Gobollada dhexe ee Soomaaliya"
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Booliiska Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay xaqiijiyeen ammaanka Muqdisho