Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) —Jaamacad cusub oo loogu magic-daray Jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya (Somali International University) ayaa maanta lagu furay Muqdisho, iyadoo xarunta Jaamacadan laga dhigay dugsigii hoose/dhexe ee Muuse Galaal oo ku yaalla degmada Howl-wadaag.
Xaflada furitaanka jaamacaddan ayaa waxaa ka qeyb-galay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya, ardayda, macalimiinta, aqoon-yahanno, masuuliyiinta shirkadaha ganacsiga iyo dad weyne lagu casuumay.
War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka jaamacadda ayaa lagu sheegay in ujeeddada loo furay jaamacaddan ay tahay sidii shacbka Soomaaliyeed ay u heli laahayeen waxbarasho heerkeedu sarreeyo oo ay ka mid yihiin in la baro farsamo ay ku shaqeysan karaan iyo tacliinta dadka waaweyn oo u dhiganta heerka dalalka kale ee caalamka.
Sidoo kale, waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in Jaamacaddu ay hir-gelin doonto isbitaal u adeega shacabka Soomaaliyeed, kaasoo la heer ah dalalka kale ee caalamka.
“Furitaanka jaamacaddan waa mashruuciii ugu horreeyay oo uu fuliyo ururka SESDO. Maanta oo ay taariikhdu ku began tahay (7/01/2013) ayayna si rasmi ah u billaabanaysaa waxbarashada jaamacadda iyo barnaamijyada kale,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Jaamacadda ayaa la sheegay inay lix tiir u yihiin aasaas lama taabtaan ah kuwaasoo kala ah: Dhisidda akhlaaqda, asluubta,iyo damiir-wanaagga. Dhisidda aqoonta, garaadka, fikirka iyo farasama aqooneed. Dhisidda aqoonta adeegsiga aaladda kombuyuuterka & Internetka. Dhisidda cod-karnimada iyo xirfad soo bandhigista fikrad/barnaamij. Dhisidda bulshanimo iyo dad la noolaashaha iyo Dhisidda karti cilmibaariseed.
Agaasimaha wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya, Muuse Faarax Xeyd ayaa soo dhaweeyay furitaanka Jaamacada cusub isagoo ka codsaday maamulka inay xoogga saaraan soo saarista dhalinyarada Soomaaliyeed ee xirfadleyda ah.
Guddoomiyaha jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya, Prof. Ismaaciil Cali Siciid oo isaguna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in jaaamacaddan ay bixinayso waxbarsho sare, Koleej lagu barto shaqada farsamada gacanta iyo waliba waxbarshada tacliinta dadka waaweyn, isagoo xusay in jaamacadan ay hirgalisay hay’adda waxbarashada iyo horumarinta bushada ee SESDO.
“Ujeeddada loo asaasay jaamacaddan waxaa ka mid ah: dhisida, aqoonta, akhlaaqda, asluubta, damiir-wanaaga, garaadka, fikirka iyo adeegsiga aalada komputerka iyo internetka iyo waliba qodobbo kale oo faa’iido u leh ardayda,” ayuu yiri Prof. Ismaaciil.
Ugu dambeyn, agaasimaha wasaarada horumarinta adeega bulshada, Muuse Saalax iyo madax kale ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee jaamacadda oo ka mid noqonaysa jaamacadaha dhawaanahan laga hirgaliyay magaalada Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Jaamacad loogu magac daray Somali International University [SIU] oo laga furay Magaalada Muqdisho
More News
- Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay Miisaaniyadda ay Dowladdu ku shaqeyso Sannadkii 2013.
- Wasiirka Ammaanka Maamulka Puntland: “Puntland cidna marti ugama ahan ku Dhaqanka Shareecada Islaamka”
- AMISOM oo sheegtay inay la shaqeynayso Hay’adda Nabadsugidda Qaranka si ammaan loogu soo rogo Soomaaliya
- Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo yeeshay shir ay uga hadleen arrimo ay ugu horreeyaan ammaanka
- Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo sheegay in heshiis laga gaaray khilaaf soo dhexgalay Wasaaraddiisa iyo shirkadaha Jaadka
- Madaxweynah Soomaaliya oo ka qaybgalay xirtaanka Kal-fadhigii Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya
- Weerar Bambaano oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada Dowlada ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Kismaayo
- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Kenya oo Dalbaday in Xaafadda Islii [Easleigh] laga soo saaro Saraakiisha Ciidamada Howlgallada wada
- Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiga DADKA (People Party) oo socdaallo kala duwan ku maraya Deegaannoo ka tirsan Gobolka Bay
- Ciidammo fara badan oo saakay la dhoobay Xaafadaha iyo Jidadka Waaweyn ee Magaalo Xeebeedda Boosaaso
- JEN. CABDI QAYBDIID: "Waxaa billowday Qorshe lagu mideynayo Maamullada ka jira Gobollada dhexe ee Soomaaliya"
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Booliiska Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay xaqiijiyeen ammaanka Muqdisho