4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2013
Weerar Bambaano oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada Dowlada ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Kismaayo

Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar Bambaano ku qaaday xarun ku taal xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay daganaayeen saraakiil katirsan ciidamada dowladda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyay in weerarkii xalay uu sababay dhimashada hal askari oo ka tirsanaa ilaalada goobtaasi, mana la sheegin khasaaro intaasi ka badan.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen qaraxyo xooggan oo ka dhacay xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo.

“Qaraxyo ayaa ka dhacay xaafadda V-afmadow, waxaana xigtay rasaas xooggan oo ka dhaceysay halka uu qaraxa ka dhacay,” ayuu goob jooguhu hadalkiisii raaciyay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa kadib xaafaddaasi ka fuliyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka danbeeyay weerarka, waxayna kusoo qabqabteen tiro dad ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni weli kama hadlin dhacdadii xalay, ilaa imikana ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

Mudooyinkii u danbeeyay waxa isa soo tarayay weerarrada bambaano ee ka dhaca magaalada Kismaayo, iyadoona ay ugu danbeeysay weerar dhawaan dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay ku qaadeen guri uu daganaa sarkaal katirsan ciidamada dowladda oo ku yaallay xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ayaa mudooyinkii u danbeeyay gudahamagaalada ka waday howlgallo lagu sugayo ammaanka waxaana dhawaan ay sameeyeen ciidamo wareega oo xilliyadii habeenkii ah suga ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya