3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2013
Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo sheegay in heshiis laga gaaray khilaaf soo dhexgalay Wasaaraddiisa iyo shirkadaha Jaadka

Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale  ayaa ka hadlay khilaafkii soo kala dhexmaray shirkadaha jaadka iyo wasaaradda Maaliyadda. Wasiirku wuxuu tilmaamay waxyaalaha ay shirkadaha jaadka ka biyo diideen oo uu xusay in cashuurtii ay bixin jireen waxyar loogu kordhiyey iyo xaga sarifka lacagaha oo qiimo hoose laga qaadi jiray oo iyana wax lagu kordhiyey, taas laba ka mid ah shirkadaha qaad diideen inay fuliyaan go’aankaasi, waxaanay taasi keentay in jaadkoodii kontorabaaniyaan, isla markaana uu ka dhasho khasaare soo gaadhay ciidanka booliska iyo shirkada qaadka laftoodaba.

Haseyeeshee Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale waxa uu sheegay inay xaliyeen khilaafkii soo kala dhex maray, isago xusay in isla afgarteen inay bixiyaan cashuurtaasi lagu kordhiyey iyo sarifka lacagta oo iyana wax lagu kordhiyey, dawladuna ay bixiso bishan kowdeedii khasaarihii ka soo gaadhay jaadkaasi ku gubtay kastamka Kala baydh ee galbeedka Somaliland.

“Markii sanadkii hore dhamaaday ee aanu odorosaynay dakhliga sanadka soo socday waxaanu wadnay meelaha dakhliga sanadka soo socda ka filayno inuu kordho ama kor u qaadno xaga qaadka, marka waxyaalihii aanu islahayn waad u baahan tihiin ayaa guddi wasiiro ah oo wasaarada Maaliyadu hogaaminayso ay kulamo badan la yeesheen shirkadaha jaadka, waxa markaa suurtogashay in guddi labaatan qof ka kooban oo ay leeyihiin shirkadaha jaadku aanu kulanay,” ayuu yidhhi wasiirka Maaliyadda Samaale oo ka hadlayey halka uu khilaafku ka soo bilaabmay, waxaanu intaas ku daray: “Runtii cashuurta jaadka boqolkiiba boqol kama qaadno, waxa jira wax la yidhaa xaqal xashiish oo laga daayo, waxaana cashuurta sanadkan dhamaaday ka qaadi jirnay 85%, marka codsiga wasaaradu waxay ahayd 15% xaqal xashiishka ah inaan sanadka 2013 ka maarmeyn oo boqolkiiba boqol cashuur ka qaadi doono, iyaga talada xagooga ka timid waxay noqotay ilaa bisha March aanu sugno, markii dambe waxaanu isla qaadanay in bisha January kowdeeda aqbalaan inay shan ku daraan cashuuurtii laga qaadi jiray oo laga qaado 90%.”

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in iyana lagu kordhiyey sarifka lacagaha qaadka laga qaadi jiray oo qiimaha suuga wax ka hooseeya laga qaadi jiray oo wax lagu kordhiyey, waxaanu yidhi: “Waxaa intaas dheeraa lacagta doolarka ta loo xisaabiyo iyo ta suuqa ayaa kala duwanayd, halka uu suuqa ka yahay lix kun iyo shan boqol Shiling, iyaga waxa loo xisaabiyaa Afar kun, marka waxaanu markii hore codsanay in shan kun loogu dhufto sarifka, laakiin dood badan iyo falanqayn badan oo aanu wada yeelanay guddidaasi waxaanu isla garanay in afar kun iyo shan boqol ugu sarifno halka dollar marka loo sarifayo cashuurta, marka bisha kowdeedii ayaa lagu bilaabay, marka cashuurtaasi korodhay iyo qiimaha sarifka ayey dhibaato ku noqotay.”

Wasiirku waxa uu sheegay in laba shirkadood oo kaliyi diideen inay fuliyaan, isla markaana jaadkii kastamaka ka cashuuran waayey taasina ay keentay in jaadkii ku gubto kastama, isla markaana maalmihii dambe si koontarabaan ah ay ku soo galin jireen suuqa, taas oo khasaare badan ka soo gaadhay ciidankii iyo shirkadaha jaadka ahba.

 “Maalintii khamiistii labadaasi shirkadood heshiish baa na dhexmaray oo ahayd in sabtida heshiiskaasi fulo, waxaana isla garanay in sidii cashuurtu ahayd ay ku bixiyaan, wasaarada Maaliyaduna khasaarihii soo gaadhay maalintii bishu kowda ahayd ee jaadku ka gubtay ay bixiso, iyaguna cashuurtii ku waajibtay ay sideeda ku bixiyaan, iyagoo shirkadii kale ee qaadku ay sidii ay ahayd ku bixiyeen cashuurti,i” ayuu yidhi wasiir Samaale.

Wasiirka oo ka hadlayey is ka hor imaad dhex maray maalintii sabtidda ahayd ciidanka kastamka Caynaba ee gobolka Sool iyo Shirkadah jaad ka waxa uu yidhi: “Jaadku waa mid dhibaatadiisa iyo culayskiiba leh, aad baan uga xumahay wixi dhacay, Doraad baabuur baa qalibmay ciidanku leeyahay qof ba ku dhaawacmay, iyaguna intii ay hawsha wadeen in baa ka qalibantay dad badana way kaga dhaawacmayn,waxaas oo dhami waa khasaare ummadda soo gaadhay, markaa bixinta cashuurta waa shay waajib ah, waana wax muwaadinkasta laga rabo inay siday tahay u bixiso, dhacdooyinkii afartii maalmood dhacay aad baan uga xumahay waana ka heshiinay hawsha dambe sidii ay u socon lahayd.”

Khilaafkan shirkadaha jaadka iyo wasaarada Maaliyadda dhexmaray ayaa keentay in jaad badan la tahriibiyo, isla markaana xoog lagu jiidho meelaha kastamada ah ama si dhuumaalaysi leh jaadka u geeyaan , kuwaas oo keenay khasaarooyin kala duwan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
1/7/2013 11:02 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Golaha wakiillada Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey miisaaniyadda dowladda ee sanadkan cusub ee 2013 oo ay maalmihii u danbeeyey ka doodayeen.

1/7/2013 10:58 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) —Jaamacad cusub oo loogu magic-daray Jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya (Somali International University) ayaa maanta lagu furay Muqdisho, iyadoo xarunta Jaamacadan laga dhigay dugsigii hoose/dhexe ee Muuse Galaal oo ku yaalla degmada Howl-wadaag.

1/7/2013 9:32 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray hoggaanka xarakada Al-shabaab oo ahaa: in ay dhowaan ku dhaqanka shareecada ka hirgelin doonaan Puntland.

1/7/2013 9:30 AM EST
Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Annadif ayaa sheegay in AMISOM ay lasii shaqeynayso hay’adda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed oo u dabbaal-degtay shalay sannadguuradii 41-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii hay’adda nabadsugidda Soomaaliya.

1/7/2013 9:16 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah yeeshay shir ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo horumarka ay ciidamada dowladdu sameeyeen, iyadoo shirkii maanta uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

1/7/2013 8:32 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay xiritaanka kalfadhigii koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo soo billowday sannadkii hore, kuwaas oo soo doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii 10-kii bishii September ee sannadkii hore.

1/7/2013 7:14 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar Bambaano ku qaaday xarun ku taal xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay daganaayeen saraakiil katirsan ciidamada dowladda.

1/7/2013 5:32 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Wasiirro ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa dalbaday in si dhaqso ah looga soo saaro xaafadda Soomaalidu degto ee Islii saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Kenya ee howgallada kawada xaafaddaas, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay geystaan xadgudubyo iyo dhac.

1/7/2013 4:57 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Xubnaha sarsare xisbiga DADKA oo ka mid ah xisbiyada siyaasdeed ee dalka ka jira ayaa booqasho ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Bay, iyagoo dhawaan xafiis ka sameystay degmada Baydhabo ee xaruna gobolkaas.

1/7/2013 1:55 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Ciidammo aad u tira badan ayaa saaka lagu soo daayiyay magaalada Boosaaso. Meelaha ay ciidamadu sida aadka ah u joogaan waxaa kamid ah suuqa, jidka madaxtooyada aada, jidka garoonka iyo xaafadaha (Laanta-hawada) iyo (Xaafatul-carab). Labadan xaafadood oo ay ku yaallaan inta badan xarumaha dowladda iyo kuwa hay'adaha caalamiga ah.

1/7/2013 1:17 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) ayaa sheegay inuu billowday qorshe lagu mideynayo guud ahaan maamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya, isagoo sheegay in kulan u socday Ahlusunna iyo Galmudug maanta oo Isniin ah lasoo gabagabeynayo.

1/7/2013 1:12 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay inuu si fiican u socdaan howlgalka lagu adkaynayo amniga magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in howgallada lagu sugayo ammaanka ay si wadajir ah u fulinayaan habeen iyo maalin booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.