
Sabti, November 09, 2013 (HOL) — Xaflad weyn oo lagu soo dhaweynayay Akadeemiye-goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) iyo guddoomiyeheeda, Dr. Maxamed Daahir Afrax oo booqanayay Sweden ayaa waxaa lagu qabtay xarunta weyn ee shirarka Folkets Hus (Guriga Ummadda) ee ku taalla magaalada Stockholm, caasimadda Sweden.
Munaasabaddaas oo dhacday maalintii Axadda ahayd ee 4 November 2013 qaban-qaabadeeda waxaa hormuud ka ahaa ururka isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed ee Sweden oo la kaashaday naadiga PEN ee qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed laantiisa Sweden.
Munaasabadda oo ay kasoo qayb-galeen dad fara badan oo ka mid ah wax-garadka Soomaaliyeed ee reer Sweden oo isugu jiray aqoonyahanno, macallimiin, warfidiyeenno, hooyooyin iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, waxaana furay madaxa jaaliyadda oo ah guddoomiyaha ururka isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed ee Sweden, Cabdullaahi Maxamed, isagoo billowgii si diirran u soo dhaweeyay qoraaga martida ah, Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka yimid Geeska Afrika.
Wuxuu kaloo si diirran u soo dhaweeyay, isagoo ku hadlayey magaca jaaliyadda Sweden, dhalashada Akadeemiye-goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ee dhawaan lagu daah-furay magaalada Jabuuti si ay u noqoto madal mideysa dadaalka loogu jiro daryeelka Af-Soomaaliga.
Guddoomiye Cabdullaahi wuxuu caddeeyay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden ay si weyn ugu riyaaqeen asaasidda Akadeemiyaha, diyaarna ay u yihiin inay hiil iyo hooba la garab-istaagaan. Erayadaas guddoomiyaha ayaa waxaa sii faahfaahiyay waxgarad uu ka mid ahaayeen, Cawad Cabdiraxmaan Xirsi oo xildhibaan ka ah dowladaha hoose ee Stockholm iyo Dr. Aamina Siciid. Labaduba waxay carrabka ku adkeeyeen qiimaha uu afkooda ugu fadhiyo ummadda Soomaaliyeed iyo sida ay waajib u tahay in gacan la siiyo Akadeemiyaha loo dhisay iyo dadka muddada dheer u soo halgamayay oo uu ka mid yahay guddoomiyaha AGA ee booqashada ku jooga.

Intaa kaddib waxaa mikrofoonka lagu soo dhaweeyay qoraa sare, Maxamed Daahir Afrax oo halkaa ka jeediyay khudbad ballaadhan, isagoo ku hadlayay magaca Akadeemiyaha uu guddoomiyaha ka yahay (AGA) wuxuu si diirran ugu mahad-celiyey ururka isbahaysiga iyo mas’uuliintii iyo bulshada ku nool dalka Sweden ee sida diirran u soo dhaweeyay.
Dr. Afrax ayaa ka warramay halgankii dheeraa ee loosoo maray daryeelka Af-Soomaaliga, qiimaha weyn ee uu Soomaalida ugu fadhiyo afkooda hooyo, saamaynta halista ah ee uu afka ku yeeshay burburkii ka dhacay Somalia, baahida keentay in la asaaso Akadeemiyahan cusub, waxqabadka u qorshaysan iyo gacanta looga baahan yahay guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaanna qurba-joogta oo ay safka hore kaga jiraan reer Sweden.
Guddoomiyaha AGA wuxuu si weyn u bogaadiyay kaalinta hormuudnimo ee ay daryeelka afka iyo dhaqanka ummadda ka galeen reer Jabuuti, taasoo uu ku timid dadaalka dheeraadka ah ee uu bixiyay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Wuxuu kaloo Dr. Afrax bogaadiyey dadaalka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ku aaddan afka hooyo.
Kaddib waxaa furmay su’aalo iyo talo-bixin ay ka qayb-qaateen dad fara badan oo goob-joog ahaa. waxgaradkii hadalkooda lagu diirsaday waxaa ka mid ahaa macallin Yuusuf X. Cabdillaahi, guddoomiyaha SS PEN Sweden iyo Marwo Caasha Ismaaciil, guddoomiye-ku-xigeenka ururka Isbahaysiga.
Dhammaan dadkii hadlay waxay ka siinnaayeen soo dhaweynta iyo taageerada Akadeemiyada cusub iyo bogaadin ay kusoo dhaweeyeen guddoomiyaheeda Dr. Afrax iyo soo jeedintiisii.

Munaasabaddan waxaa hordhac u ahaa kulan casho-sharaf ah oo lagu soo dhaweynayay guddoomiyaha AGA, kaasoo habeenkii xafladda ka horreysay lagu qabtay maqaayad casri ah oo ku taalla bartamaha Stockholm. Casho-sharafeeddaas oo ay hoggaaminaysay guddoomiye-ku-xigeenka isbahaysiga Soomaaliyeed ee Sweden, Caasha Ismaaciil, ujeeddadeedu waxay ahayd is barasho iyo is war-galin ku saabsan Akadeemiyaha cusub oo dhex marta guddoommiyaha booqashada ku yimid iyo mas’uuliyiin iyo hawl-wadeenno xul ah oo isugu jirey jirey Soomaali iyo Swedish oo ku lug leh arrimaha Soomaalida.
Waxaa isagana ka horreeyay kulanweyne lagu qabtay magaalada Vasteras, laba berri ka hor, halkaasoo uu ka dhacay shir-sannadeed ay lahaayeen macallimiinta dhiga afafka kala duwan ayna ka mid ahaayeen boqollaal macallin oo dugsiyada Sweden ka dhiga Af-Soomaaliga.
Shirkaas waxaa lagu marti-qaaday, Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuuna ka jeediyey muxaadarad ku saabsan Af-Soomaaliga iyo Akadeemiyaha loo dhisay iyo sidoo kale ujeeddada socdaalkiisa, arrimahaasoo ay si weyn ugu riyaaqeen boqollaalkii macallin ee halkaa ku shirsanaa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya