Jidka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqidsho oo Muddo 22-sano kaddib Maanta laga Hirgeliyay Nalalka Samaa-faraha ah

Sabti, November 09, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa 22-sano kaddib ku guuleystay maanta in waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama uu ka hirgeliyo nalalka samaa-faraha ah ee kala haga gadiidka.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cismaan oo ka nalalkan samaa-faraha ah ayaa sheegay inay ka mid tahay arrintan qorshe dib loogu soo celiyo adeegyadii aas-aasiga u ahaa bulshada, isagoo intaa ku daray in tallaabadaani ay qayb ka tahay dib u soo celinta bilicdii Muqdisho.

“Nalalkan samaa-faraha ah waxay sahli doontaa in shilalka gaadiidka ay hoos u dhacaan, waxaana ay fududeyn doonaan in darawalladu ay mar walba la socdaan amarrada ay nalalkani bixinayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali gab) oo isaguna goobtaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay faa’iidada ay darawallada gaadiidku u leedahay nalalka samaa-faraha ah, loona baahan yahay in bulshada inta aan aqoon la baro.

“Sida idiin muuqata nalka samaa-faraha ah marka uu soo shidmo gaduudka, macnaheedu waxaa joogso, marka uu cagaarka shidmana waa soco, marka waxay ila tahay in barashadiisa ay dadku ku qaadan doonto waqti gaaban,” ayuu yiri Jen. Cali Gaab.

Nalalka samaa-falaha ah ayaa waxay ka mid noqdeen burburkii dalka soo maray 22-kii sano ee colaaduhu jireen, iyadoo ay tani ay mar kale ka dhigi doonto Muqdisho mid la mid ah magaalooyinka kale ee caalamka.

Dhinaca kale, maamulka gobolka banaadir ayaa maanta amar ku bixiyay in la baallayaasha duugga ah ee ku yaalla waddooyinka Muqdisho la fujiyo, iyadoo maamulku uu sheegay in shirkadaha isticmaala baallayaashaas sida kuwa korontada bixiya ay muddo 20-maalmood ah ku bedelaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News