Sabti, November 09, 2013 (HOL) — Wasaaradda amniga ee Puntland ayaa ka hadashay weerar xalay lagu qaaday xabsiga Gaal-shire ee magaalada Boosaaso.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga ee Puntland C/casiis Siciid Gacamey oo maanta shir-jraa'id magaalada Garoowe ku qabtay, ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarka, qaabka uu dhacay iyo weliba cidda geysatey.
Wuxuuna sheegay in weerarka ay soo qaadeen dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca, bumbooyinka gacanta iyo weliba garneylada garabka laga tuuro, islamarkaana ay tiradoodu ahayd inta u dhexeysa 30 ilaa 40 qof.
"xalay saacaddu markay ahayd 10:30 PM, ayaa waxaa soo weeraray xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso rag Al-shabaab ah oo tiradooda lagu qiyaasay 30 ilaa 40 qof, weerarkaas kahor waxay labo bumbo ku tuureen saldhigga booliska ee Biyo-kulule iyo xarunta dowladda hoose" Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga ee Puntland ayaa yiri.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu mar kale yiri: "ujeedada bumbooyinka loogu tuuray xarunta dowladda hoose iyo saldhigga booliska ee Biyo-kulule, waxay ahayd in ay ciidamada ka mashquuliyaan weerarka ay xabsiga ku qaadeen, si ilaalada xabsigu aysan wax gurmad ah u helin"
Khasaaraha dhanka ciidamada soo gaarey isagoo ka hadlayey wuxuu sheegay in uu yahay dhimashada hal sarkaal iyo dhaawac soo gaarey 4 kale. Sarkaalka dhintay ayaa ahaa taliye ku-xigeenkii xabsiga, sidoo kale saddexda dhaawaca ah waxaa ku jira taliyihii xabsiga.
Inkastoo ujeedada weerarkaas laga lahaa aanu wasiirku carrabaabin, wuxuu hadana sheegay in qalabka ay kooxihii weerarka soo qaaday ka tageen ay kamid yihiin dubbeyaal waaweyn (Burrisyo) , kuwaas oo la rabey in lagu dumiyo gidaarrada iyo albaabbada xabsiga; si loo sii daayo maxaabiista halkaas ku xiran.
Dhinaca kale C/casiis Siciid Gacamey ayaa "waxba kama jiraan" ku tilmaamay, warar laysla dhex marayo oo sheegaya in kooxaha xalay xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso weeraray ay yihiin mileeshiyo beeleed ka caraysan dad dhowaan dil lagu xukumay oo xilligii xukunkaas lagu fulin lahaa uusoo dhowaaday, kuwaas oo doonayey in ay si xoog ah xabsiga maxaabiis ugala baxaan.
Su'aal arrintaas la xiriirta isagoo ka jawaabayey waxaa ereyadiisii kamid ahaa: " Wararka suuqa iyo waxaasaa la yiri ma soconayaan... weerarkan waxaan ku eedeynay Al-shabaab, iyaga ayaana nasoo weeraray...wararka suuqa ka baxa, waxba kama jiraan"
Ugu dambeyntii wuxuu wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga ee Puntland sheegay, in kooxihii duulaanka soo qaaday oo xabsiga labo jiho kasoo weeraray ay dhinaca buuraha u carareen, xilliganna ay ciidamada ammaanku ku raad joogaan.
Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa maanta ah mid deggen, inkasta oo ay dadku si aad ah u hadal hayaan iska-hor-imaadkii xalay xabsiga weyn ee Gaal-shire ka dahcay ka dhacay, kaas oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan socdeyna muddo hal saac ku dhow.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Maamulka Puntland oo weerarkii xalay lagu qaaday Gaalshiraha Magaalada Boosaaso ku eedeeyey Ururka Al-shabaab
More News
- Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga oo si Weyn Looga soo Dhaweeyay Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden (SAWIRRO)
- Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dib u dhac ku yimid Wada-hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya
- Booliiska Kenya oo boqollaal qof ka qab-qabtay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kaddib howl-gal Saacado Qaatay
- Musharrax Cabdiweli Gaas oo u Taagan Madaxtinimada Puntland oo Maanta Gaalkacyo si weyn loogu soo dhaweeyey (SAWIRRO)
- Shirkii Madaxda Warbaahinta Afrika oo lasoo Gunaanaday iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo Su'aal adag lagu weydiiyey (SAWIRRO)
- Hay’adda SAACID oo Shahaadooyin Guddoonsiisey dhallinyaro loosoo gaba-gabeeyay Tababarka Kambiyuutarka (SAWIRRO)
- Xarakada Al-shabaab oo sheegay Ma'suuliyadda weerarradii xalay ka dhacay Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Muqdisho
- Wefti ka socda Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo soo gaaray Somaliland iyo ujeeddada Waftigan oo laga hadlay
- Jaamacadda Beledweyne oo ay ka Qalin-jabiyeen Ardeydii ugu Horreysay oo Heer Jaamacdeed ah (SAWIRRO)
- Jidka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqidsho oo Muddo 22-sano kaddib Maanta laga Hirgeliyay Nalalka Samaa-faraha ah
- Magaalada Hargeysa oo Maanta laga Xusay 15-guuradii ka soo Wareegtay Maalinta Saxaafadda Somaliland (SAWIRRO)
- Dadkii ku geeriyooday Qaraxii Hotel Maka Al-Mukarama waxaa ka mid ahaa ku-simihii Daanjiraha Safaaradda Somalia ee UK
- Shaqaalaha Hoteellada Somaliland oo 40-kii qof ee ugu Horreysay la siiyay Warqadda Caafimaadka ee lagu shaqeeyo
- MADAXWEYNAHA SOMALIA: "Al-Shabaab ma Hor-joogsan karto Horumarka aan ku soconno, Waana ka hortagaynaa"