
Sabti, November 09, 2013 (HOL) — Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa maalintii Khamiista, 7 November 2013 lagu qabtay xaruunta machadka tababarka xirfadaha ee SAACID taaso lagu maamusayay munaasabadda qalin-jabinta arday halkaas ku dhameysatay tababar la xiriira xirfadda computer-ka.
Munaasabaddaas ayaa waxaa ka qeybgalay afhayeenka gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Hodan, madax ka socotay hay’adda SAACID, macalimiinta iyo madaxda tababarka, waalidiinta iyo dhammaan ardayda qalin-jabinaysay oo tababarka u dhamaaday.
Afhayeenka gobolka Banadir, Maxamed Yusuf Cusman oo ugu horreyn ka hadlay goobta ayaa u hambalyeeyay ardayda qalin-jabinaysa oo baratay xirfadda computer-ka, wuxuuna ku dhiirri-geliyey ardaydaasi inay sii wadaan dadaalkooda isagoo xusay in dalka ay ka jiri doonaan fursado shaqo looga baahan yahay xirfadda computer-ka.
Madaxdii halkaasi khudbadaha hambalyada ah ka jeedisay waxaa kaloo ka mid ahaa Cabdi Maxamed Dhabanay, guddoomiyaha degmada Hodan isagoo ku amaanay hay’adda SAACID dhiirri-gelinta iyo tababarka xirfadda computer-ka ay u samaysay dhallinyarada, isagoo ku booriyay hay’adaha kale inay ka qayb-qaataan barnaamijyada horumarinta dhallinyarada.
Maxamud Jimcaale Cumar oo ka mid ahaa waalidiinta ardaydaasi qalin-jebinaysay oo hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa hay’adda SAACID uga mahadceliyey tababarka xirfadda computer-ka oo si lacag la’aan ah loogu fidiyey ardaydaasi, wuxuuna ka codsaday hay’adda SAACID in tabararada noocaasi oo kale ah la siiyo dhalinyarada kale oo aan helin fursaddaasi oo kale.

Cabdullaahi Maxamed Xaydar madaxa hawlgelinta barnaamijyada hay’adda SAACID oo ka hadlaayey xafladaasi ayaa ku waramay in lagu guulaystay barnaamijka tababarka computer-ka dhalinyarada la siiyey, wuxuuna tibaaxay in haddi fursado shaqo ka soo baxaan hay’adda SAACID tixgelin gaar ah la siindoono dhalinyarada aqoonta leh.
Cumar Ciise oo ah madaxa barnaamijka tababarka la siiyey dhalinyarada oo halkaasi ka jeediyey khudbad gaaban ayaa xusay in 70 arday oo isug jira 35 gabdhood iyo 35 wiil ay qaateen tababarka xirfadda computer-ka laba dufcadood oo min afar bilood ah, wuxuuna ku dhiirigeliyey inay sii wadaan dadaalkooda isagoo sheegay in xirfadda computer-ka tahay furaha teknoolijiyada, wuxuuna u mahadceliyey hay’adda SAACID iyo Oxfam oo iska kaashaday hirgelinta barnaamijka tababarkaasi.
Samiira Saalim Calasow iyo Sayid Cali Macalin Cabdulaahi oo ka mid ahaa ardaydii ka qalin jebisay tababarkaasi ayaa iyagoo faraxsan uga mahadceliyey hay’adda SAACID fursadda la siiyey, waxayna xuseen inay ka faa’iidaysteen waxbarashada la xiriirta xirfadda Computer-ka.
Ugu dambaystii, xafladaasi waxaa lagu soo gunnaanaday munaasabad shahaadooyin loogu guddoonsiinaayey dhamaan ardaydaasi ka qalin jebisay tababarka xirfadda computer-ka oo ay ku qaateen xaruunta machadka tababarka xirfadaha ee SAACID (SAACID Vocational Training Institute) oo fadhigeedu yahay dugsiga H/Dhexe ee Dhagaxtuur, ee degmada Hodan.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya