Sabti, November 09, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo horaanta bishan furmi lahaa dib u ugu dhacay horaanta bisha December ee sannadkan.
Wasiirka ayaa sheegay inay sidaas codsadeen dawlada Soomaaliya oo sheegtay inay hawlo horyaalla darteed aanay shirkaasi wakhtigii lagu balansanaa dhici Karin, isla markaana dawladda Turkiga oo dhexdhexaadinta waday Somaliland ku wargalisay dib u dhacaasi ku yimid wada hadalka, isla markaana Somaliland aqbashay.
“Wadahadalkii dowladda Soomaaliya ayaa codsadatay in la wada hadlo bishan November sagaalkeeda ilaa tobankeeda, Turkigu waxa uu yidhi wax miyaad ka qabtaan anaguna waxaanu u sheegnay in aanan waxba ka qabin,hadana waxay codsadeen inay hawlo jiro awgeed dib loogu dhigo wakhtigii balanta, safiirka u fadhiya Turkiga Muqdisha ayaa nala soo xidhiidhay oo yidhi maxaad ka qabtaan, anaguna waxaanu nidhi waxba kama qabno, goorma idin fiican buu yidhi, waxaana u sheegnay toddobaadka u horaysa ee bisha December”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi oo sharaxayey dib u dhaca ku yimid wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo bishan horaanteedii lagu balansanaa Turkiga.
Sidoo kale, waxa uu wasiirku ka hadlay Dawladda Itoobiya oo joojisay Fiiseynta Baasaboradda Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo bil ah oo ka bilaabmaysa maalinta bari ee bisha November 11 keedda sheegay inay joojisay in aan dalkeeda cidi soo gali Karin, ayuu wasiirku ku sababeeyey munaasibad balaadhan oo ka dhacaysa dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga darteed in loo hakiyey isku socodkii labadda dhinaca marka laga reebo waxyaalaha muhiimka ah iyo saraakiisha dawladda mooyee aanay cid kale loo fiiseynayn basaboorka.
“Sababta loo joojiyey Fiiseynta dal ku galku waa xaflada weyn ee ka dhacaysay magaaladda Jigjiga, dawladda Itoobiya iyo Somaliland waa laba dawladood oo ilaaqaad wada leh, fiisaha waxa u baahan ee deeq waxbarsho leh ama caafimaad u socda ama dawlada u socda waa la siinayaa way tagi karaan,laakiin wixii aan muhiim ahayn ayaan loo fiisaynayn, waxaana labada dhinacba ka wada shaqaynayaan xaga amniga ah:”ayuu yidhi Biixi oo ka hadlayey xafiiska Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa oo muddo bil ah joojiyey inuu fiiseeyo baasaboorada lagu galayo Itoobiya.
Toddobaadyadii u dambeeyey ayaa dawlada Itoobiya adkaysay isku socodka dadweynaha, waxaanay aad u baadhaan dadka u gudbiya Itoobiya, waxaanay arrintaasi ku sababeeyeen maalinta qoomidaha Itoobiya oo lagu qaban doono magaaladda Jigjiga, taas oo socon doonnta muddo bil ah.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay safar shaqo oo uu kutagay Masar, Ingiriiska iyo Jabuuti, waxaanu sheegay inay masuuliyinta wadamadaasi kala soo hadleen arrimo badan oo Somaliland khuseeya.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland