Booliiska Kenya oo boqollaal qof ka qab-qabtay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kaddib howl-gal Saacado Qaatay

Sabti, November 09, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska Kenya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxay ku qab-qabteen boqolaal qof oo ay sheegeen inay ahaayeen kuwo sharci-darro ku joogay Kenya.

Booliiska ayaa sheegay in dadkan ay gabbaad ka dhiganayeen xaafadda Islii oo ah xaafad ay si aad ah u daggan yihiin Soomaalida ku nool Nairobi, iyadoo la sheegay in dadka la qabqabtay ay ku jiraan Soomaali badan.

Dadkan ayaa maanta su’aalo lagu weydiinayay saldhigyo ku yaalla Nairobi, iyadoo saraakiisha booliiska Kenya ay sheegeen in howlgalkan uu qayb ka yahay dadaallo lagu doonayo in lagu adkeeyo ammaanka guud ee Kenya iyo magaalada Nairobi.

“Waxaan soo taagi doonnaa maxkamad cid walba oo aan uga shakinno inuu qayb ka yahay falalka ammaan-darro ee ka dhaca Kenya,” ayuu yiri madaxa booliiska magaalada Nairobi, Benson Kibue oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, Benson ayaa sheegay in  argagixisada badanaa ay ku dhuuntaan xaafadda Islii, taasoo uu sheegay inay tahay sababta baaritaannadan ugu sameeyeen, wuxuuna sheegay in baaritaannadu ay sii socon doonaan.

Xaafadda Islii oo ah xaafad ballaaran oo ka mid ah xaafadaha Nairobi ayaa waxaa daggan Soomaali fara badan, kuwaasoo halkaas ku leh ganacsiyo kala duwan iyo dhismayaal hoteello ah, iyadoo booliiska ay beegsadaan Islii mar walba oo rabshad ay ka dhacdo magaalada Nairobi.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa horay u sheegay inay kooxihii weeraray  xarunta ganacsiga ee Westgate Mall bishii September ay deggenaayeen xaafladda Islii ee magaalada Nairobi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News