Wefti ka socda Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo soo gaaray Somaliland iyo ujeeddada Waftigan oo laga hadlay

Sabti, November 09, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey wefti ka socda wadamadda Maraykanka, Ingiriiska iyo  Scandinavian.

Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Warancade ayaa sheegay inay weftigan yahay mid ogaanaya xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jira jeelasha Somaliland iyo horumarka ka jira Somaliland, isla markaana Somaliland ka caawin doonaan la dagaalanka budhcad badeedda.

“Halkan maanta waxa maraya wefti ka socda wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska oo ah dalalka Somaliland la saaxiibka ah, waxaanay u yimaadeen inay eegaan horumarka Somaliland ay gaadhay dhinac walba, waxaanay jecel yihiin inay soo eegaan meelo badan oo ka mid ah dalka iyo inay hubiyaan sida ay yihiin dadka jeelasha ku jira iyo sida loogu xanaaneeyo” Ayuu yidhi wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo ka hadlayey ujeedada weftigan u socdaan.

“Waxaa kaloo ay doonayaan inay wax badan ka qabtaan dhinaca ciidamada Bada Somaliland si ay ciidamadu awood ugu yeeshaan inay ilaaliyaan xuduudaha xeebaha Somaliland  si ay u ahaato meel nabad galyo ah oo laga ilaaliyo budhcad badeeda”ayuu hadalkiisa raaciyey wasiirku.

Sidoo kale, waxa iyaguna weftigan u hadlay  Mr:Donna Leight ayaa sheegay inay ku farxsan yihiin inay soo booqdaan Somaliland, isla mrkaana ka caawiyaan dhinacyada la dagaalanka budhcad badeedda iyo ilaalinta xeebaha.

Dhinaca kale, weftigii Kenya ka socday ee saddexdii cisho ee u dambeeyey dalka ku sugnaa, ayaa maanta ka dhoofay madaarka Berbera ka dib markii ay dhamaysteen booqashadoodii, isla markaana ay is arkeen madaxweynaha iyo guddiyada baarlamaanka Somaliland.

Sidoo kale; waxa xalay casho sharaf u sameeyey madaxweynaha Somalilland Axmed Maxmaed Siilaanyo, waxaana la sheegay inay ka wada hadleen sidii xidhiidh dhow u wada yeelan lahaayeen Kenya iyo Somaliland,isla markaana iskugu gudbin lahaayeen wixii waayo aragnimo ah ee is dhaafsan karaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland

More News