Jaamacadda Beledweyne oo ay ka Qalin-jabiyeen Ardeydii ugu Horreysay oo Heer Jaamacdeed ah (SAWIRRO)


Sabti, November 09, 2013 (HOL) — Munaasabad siweyn loogu wada riyaaqay islamarkaana ay soo dhaweeyeen bahda waxbarashada gobolka Hiiraan ayeey ku soo bandhigtay Jaamacada Beledweyne University ardeydii ugu horeysay ee soo dhameysata  inta la xasuusto gobolka waxbarasho heer Jaamacadeed ah.

Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiinta bahda waxbarashada, maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada AMISOM, ururada bulshada, iyo marti-sharaf kale ayaa lagu soo bandhigay 27-ardey oo ka qalin-jabisay Jaamacada Beledweyn University kuwaa oo mudo afar sano ah oo soo waday waxbarashada.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacada Max’ed Muuse oo HOL la hadllay ayaa sheegay in mudo dheer Jaamacadu ku fikireysay sidii mar uun ay u soo saari laheyd ardey heer Jaamacadeed ah oo wax ku bartay isla gudaha gobolka, halka waqtiyadii hore marka ay ardeydu soo dhameystaan dugsiga sare ku adkaan jirtay in ay hellaan waxbarasho gaarsiisan heer Jaamacadood, qaarkoodna qasab ku aheyd in ay tagaan deegaanno ka baxsan gobolka si ay hellaan waxbarasho dhameystiran.

“Jaamacada Beledweyn University waa Jamacadii ugu horeysay ee laga hirgaliyo gobollka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne, waxaa Alle mahadii ah in daruufo kala duwan iyo maraaxilo adag oo ay ku soo shaqeysay kaddib maanta aynu wada-guraneyno mirihii Jaamacada oo soo saartay dufcadii ugu horeysay ardey inta la xasuusto taariikhada gobolka Hiiraan ka qalin-jabisa waxbarasho heer Jaamacadeed ah,’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka Jaamacada.

Waxaa uu sheegay in 26 ka mid ah ardeydan ka qalin-jabiyeen Jaamacada iyaga oo qaatay Shahaadada Bachelor halka ardeyga kalana ee soo haray oo ka qalin-jabiyay Jaamacada ku taala dalka Maleesiya oo uu qaatay Shahaadada Master-ka.

“Guud ahaa ardeyda qalin-jabisay ee isugu jirtay Bachelor iyo Master waxay dhameysteen kuliyadaha Shareecada, Maamulka iyo Maaareynta, iyo Waxbarashada, Jaamacada Maleesiya ee uu ardeyga ka qaatay Master-ka waxaa guud ahaan marka la eego Soomaaliya wakiil uga ah Jaamacada Beledweyne oo ardeyda Imtixaanaadka ka qaada,’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka Jaamacada.

Jaamacada oo la furay 01-6- 2009-ka ayaa waxaa furitaankeeda waqtigaa siweyn u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaa oo intii waqtigu ku siman goob joog ka ahaa ardeydii ugu horeysay oo ay Jaamacada soo saarto.

Marka laga soo tago Jaamacada Beledweyne University waxaa iyaguna jira ilaa labo Jaamacadood oo kale oo ka dhisan magaalada kuwaa oo kala ah Jaamacada Hiiraan iyo Jaamacada Plasma oo xaruntooda ugu weyn ay ku taalo magaalada Muqdisho, waxaana wax ka barta guud ahaan marka la eego Jaamacadahan ardeyda soo dhameysata dugsiyada sare.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya

More News