4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Qaraxyo Dhowr ah oo Caawa ka Dhacay Magaalada Boosaaso iyo Xabsiga Dhexe ee Gaal-shiraha oo la weeraray

Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Iska-hor-imaad aad u xooggan oo muddo hal saac ku dhow socdey ayaa caawa ka dhacay xabsiga dhexe ee Gaal-shire oo ku yaal waqooyiga magaalada Boosaaso.

Taliyaha xabsiga la weeraray Shire Siciid Maxamed oo Hiiraan Online khadka telefoonka ugu warramay, ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo tiradooda uu ku sheegay inta u dhexeysa 60-70 qof.

" waxaa nasoo weeraray Al-shabaab, rag aan ku qiyaasay inta u dhexeysa 60-70, afarta gees ayey rasaastu naga qabsatay...ku-xigeenkaygii iyo askari kale oo isbatoore ahaa waa dhinteen, aniga iyo askari kalena dhaawac baa nasoo gaaray...aniga firir baa i gaarey, dhaawacaygu waa fudud yahay..." Taliye Shire oo HOL u warramayey ayaa sidaas yiri

Kooxda weerarkaas geysatey ayuu Taliye Shire sidoo kale sheegay in ay lugeynayeen, islamarkaana ay aad u hubeysnayeen, isagoo intaas raaciyey in xabsiga ay afarta dhinac rasaas kaga fureen, haseyeeshee ay ilaalada xabsigu si xooggan isaga caabiyeen.

Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso Shire Siciid Maxamed ayaa ugu dambeyntii sheegay in lagu guuleystey in dib loo riixo kooxdii weerarka soo qaaday, kaddib markii ilaalada xabsigu ay gurmad ka heleen qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga.

Mar aan wax ka weydiiyey khasaaraha dagaalkaas ka dhashay, wuxuu sheegay in dhankooda ay labo askari ka dhinteen, labo kale oo isagu uu ku jirana ay dhaawac yihiin. Labada askari ee geeriyoodey ayaa kala ahaa taliye ku-xigeenkii xabsiga oo lagu magacaabi jirey C/raxmaan Abshir iyo askari kale oo isna magaciisu ahaa Maxamed Colow.

Dhinaca kale saddex qarax ayaa caawa laga maqlay magaalada Boosaaso. Mid kamid ah qarxyadaas ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta dowladda hoose ee degmada.

Wixii warar ah oo kasoo kordha arrintan iyaga oo faah faahsan dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya