4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo dalka Kenya uga qayb-galaysa shir looga hadlayo Qoxootiga Soomaaliya (SAWIRRO)


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaaminayso  ayaa maanta u ambabaxay dalka Kenya halkaas oo ay kaga qaybgeli doonaan shir looga hadlayo arrimaha qoxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya.

Shirkan ah oo mid saddex-geedsood ah ayaa waxaa kasoo qaybgeli doona wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya iyo mas’uuliyiin ka socda hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR.

Kulankan oo furmaya 10-ka bishan oo ku beegan maalinta Axadda ah ayaa looga hadli doonaa qaabkii loo maareyn lahaa qorshaha dib u celinta iyo dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha  dalka Kenya.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya oo tiradoodu lagu qiyaaso 535,000 oo ruux ayaa la qorsheynayaa in dib loo dejiyo deegaannadii ay ka qaxeen markii hore, iyadoo lagu sheegay in tani ay tahay fulinta qorshaha dowladda Somalia ee dib u celinta iyo dib u dajinta qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dariska ah.

Wafdiga dowladda kaga qaybgalaya shirkan ayaa waxaa ku jira saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo agaasimayaaal, waxaana uu noqon doonaan shirkan kii ugu horreeyay oo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay go’aan kaga gaarayaan qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya.

Dowladda Kenya ayaa dhawaanahan ku cel-celinaysay inay qorsheynayso in ay xirto xeryaha qoxootiga ee dalkaas ku yaalla, iyadoo sheegtay in laga soo abaabulo falalka ammaan-darro ee dalkaas ka dhaca.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga dalka Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa u sheegay dhawaan warbaahinta dalkaas in qaar ka mid ah qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab  ay qosheyanayaan weerarro ka dhan ah Kenya.

Tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Somalia sannadkii 2011 ayaa waxaa gudaha dalkaas ka dhacayay qaraxayo iyo dilal qorsheysan oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Xarakada Al-shabaab ee dalka Soomaaliya ka dagaalanta.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya