4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Xalay Hoygiisa Casho Sharaf ugu Sameeyay Hoggaamiyaha Maamulka KMG Jubba (SAWIRRO)


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay hoygiisa Muqdisho, hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), cashada ayaa waxaa ka qayb-galay xubnaha golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada, xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsan safiirrada Soomaaliya u fadhiya caalamka.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa ku aamaany hoggaamiyaha Jubba go’aankiisii geesinimada lahaa ee uu ka qaatay heshiiskii ay ergooyinka Jubbooyinka ku gaareen xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, kaasoo dhabbaha u xaaraya inay dadka Jubbooyinku nabad kuwada noolaadaan.

“Runtii heshiiskii Muqdisho lagu gaaray waxaa uu ahaa mid taariikhda ka galay baal dahab ah, una horseedi doona in Soomaalidu arrimaheeda ku xallisato dalka gudihiisa, wuxuuna heshiiskaas dhiiri-gelin u yahay dib-u-heshiisiin guud oo laga sameeyo dhammaan gobollada dalka, taasoo ay xukuumaddu siinayso ahmiyad gooni ah,” ayuu yiri Saacid.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa ayaa dadaal dheeraad ah u galay sidii heshiis buuxa looga gaari lahaa khilaadkii ku dhex jiray shacabka Jubbooyinka, taasoo muujinaysa niyad samida ay dowladda Soomaaliya u hayso in Soomaaliya  ay ka dhacdo dib-u-hishiisiin dhex-marta dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo colaado iyo kala qob-qobnaan kuso jiray muddo 22-sano ka badan.

Ergooyinkii ka socday gobollada Jubbooyinka oo shirka dib u heshiisiinta ah uu uga socday Muqdisho muddo saddex maalmood ah ayaa intii ay joogeen xarunta Soomaaliya waxaa loo sameeyay dhowr casho-sharaf oo ahaa kuwo lagu soo dhaweynayay.

Heshiiska ay ergooyinka Jubbooyinka gaareen ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxda dowladda Soomaaliya, kuwa gobolka iyo urur goboleedka Afrika sida urur goboleedka IGAD oo udub u dhexaad u ahaa heshiiskii ay Addis Ababa ku gaareen bishii Ogoosto dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya