3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Dawlada Itoobiya oo shaacisay in afar ruux ay ku Naf-waayeen qarax gaari bas ah lagula beegsaday Galbeedka Dalka Itoobiya


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Afar qof ayaa ku dhimatay gaari caasi ah oo ay dad saarnaayeen kaddib markii qarax miino lagula beegsaday magaalo ku taal galbeedka dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Segno Gebeya, xilli ay ka digtay dowladda Itoobiya weerarro argagixiso oo dalkeeda ay ka geysato kooxda Alshabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta.

Waxaana arrinkan u xaqiijiyay wakaalada wararka ee Reuters sarkaal ka tirsan dawlada Itoobiya oo sheegay inaysan jirin cid sheegatay masuuliyada weerarkan.

Dowladda Itoobiya ayaa talaadadii shaacisay inay heegan sare galisay ciidamadeeda ammaanka kadib markii ay heshay macmuulaad muujinaya in Alshabaab ay qarka u saarantahay inay weeraro ka gaysato gudaha dalka Itoobiya.

"Bumbadu waxay ku qaraxday gaari caasi ah gudihiisa oo ku dhex safrayay magaalada Segno Gebeya," sidaas waxaa yiri  Shimeles Kemal oo ah afhayeen u hadlay dawlada Itoobiya oo sheegay in magaalada weerarku ka dhacay ay ku taal xadka ay Itoobiya la wadaagto dalka Sudan.

“Weerarkan masuuliyadiisa cid sheegatay ma jirto wali baaritaannada ayaa socda” ayuu sii raaciyay.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli sadex todobaad ka hor dawlada Itoobiya ay shaacisay in labo nin ay ku qaraxday bumbo ay doonayeen inay weeraro u isticmaalaan guri ku yaalla magaalada Addisababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabtay wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya inay ka gaysan doonaan weeraro aargoosi ah iyagoo horay u sheegtay weeraro ka dhacay wadamada Uganda iyo Kenya oo ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya













Click here
11/8/2013 4:02 PM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Iska-hor-imaad aad u xooggan oo muddo hal saac ku dhow socdey ayaa caawa ka dhacay xabsiga dhexe ee Gaal-shire oo ku yaal waqooyiga magaalada Boosaaso.

11/8/2013 3:35 PM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Khasaarihii nafeed ee ka dhashay laba qarax oo is-xigay oo caawa fiidkii ka dhacay hoteel Maka Al-Mukarama ayaa kordhay iyadoo tirade dhimashadu la sheegay inay gaartay lix qof iyadoo ay ku dhaawacmeen tobaneeyo qof oo kale, kuwaasoo uu ku jir xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo, Sooyaan Cabdi Warsame.

11/8/2013 1:52 PM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Kooxda Heegan ayaa saddex gool kaga guuleysatay kooxda kubadda cagta ee Dekedaha oo ay isaga horyimaadeen galabta ciyaartii furitaanka ee horyaalka heerka koowaad ee kooxaha kubadda cagta dalkeenna.

11/8/2013 1:32 PM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowlada Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay goor dhow in afar qof ay ku dhinteen qaraxyo fiidnimadii caawa ka dhacay gudaha iyo banaanka hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

11/8/2013 1:00 PM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Mid ka mid ah ciidamada madaniga ah ee magaalada Baydhabo ayaa maanta toogasho ku dilay Macallin ibraahim Madoobe oo ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda maxalliga ah ee KANAVA, iyadoo la qabtay ruuxii falka dilka ah geystay.

11/8/2013 12:49 PM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa maanta u ambabaxay dalka Kenya halkaas oo ay kaga qaybgeli doonaan shir looga hadlayo arrimaha qoxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya.

11/8/2013 12:08 PM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Xilli dhawaan lugu wado in Puntland ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee Puntland ayaa waxaa sii kordhaya murashaxiinta xilka isku soo taagaya, iyadoo siyaasiga Cali C/qaadir Yusuf uu maanta kaga dhawaaqay Gaalkacyo murashaxnimadiisa.

11/8/2013 11:34 AM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Laba qarax oo is-xigay ayaa goor-dhow ka dhacay hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo mid ka mid ah qaraxyadan uu ka dhacay gudaha hoteelka gaar ahaan goobta soo dhaweynta, kaasoo si farsamo xumo ah kaga qarxay ruux boorsada Lap-top-ka ku sitay walxaha qaraxa.

11/8/2013 9:25 AM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Wasiirka maaliyadda dowladda Somalia, Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa maanta sheegay in dakhliga soo gala dowladda Somalia uu aad sare ugu kacay sannadkan, taasoo uu ku sheegay inay ku timid ka hortagga musuqmaasuqa.

11/8/2013 8:15 AM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Qoxootiga Soomaaliyeed ee muddada sannadaha ku noolaa dalka Yemen ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dib ugu laabtaan dalkooda, sida ay qortay wakaaladda wararka Qaramada Midoobay ee IRIN.

11/8/2013 7:45 AM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Booliiska dalka Talyaaniga ayaa maanta xiray nin Soomaali ah oo 24-jir ah oo aan magaciisa la sheegin, kaasoo lagu eedeeyay inuu soo tahriibiyay dadkii saarnaa doon horraantii bishii Okoobar ee sannadkan ku dagtay jasiiradda Lampedusa oo ay ku dhinteen 336-qof oo Eritrean u badan.

11/8/2013 7:19 AM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Horyaalka heerka koowaad ee kooxaha kubadda cagta dalkeenna Soomaaliya ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta oo Jimco ah uu ka furmo garoonka kubadda cagta Banaadir Stadium oo sannadkan dib u habeyn lagu sameeyay.

11/8/2013 6:00 AM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom oo toddobaadkan booqasho ku yimid Muqdisho kulammana la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa sheegay in dalkiisu uu gacan weyn ka geysan doono dib u soo celinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

11/8/2013 5:26 AM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay hoygiisa Muqdisho, hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), cashada ayaa waxaa ka qayb-galay xubnaha golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada, xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsan safiirrada Soomaaliya u fadhiya caalamka.

11/8/2013 1:07 AM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Milateriga Kenya ayaa shacabka ku nool Koonfurta Soomaaliya ugu baaqay inay ka fogaadaan saldhigyada kooxda Al-shabaab ay leedahay iyo baraha koontaroollada ah ee ay ciidamadooda kaga sugan yihiin Kooonfurt Soomaaliya.

11/8/2013 1:05 AM EST
Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shirkii Jubbooyinka iyo qodobbadii kasoo baxay ku tilmaantay kuwo dano gaar ah laga leeyahay.