4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Yemen oo sheegay inay diyaar u yihiin inay dib ugu laabtaan dalkooda (SAWIRRO)


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Qoxootiga Soomaaliyeed ee muddada sannadaha ku noolaa dalka Yemen ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dib ugu laabtaan dalkooda, sida ay qortay wakaaladda wararka Qaramada Midoobay ee IRIN.

Ismahaan C/qaadir Cali oo Soomaaliya ka tagay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay doonaysay inay gasho dalka Sucuudiga si ay halkaas nolol uga billowdo, balse aysan riyadeedii u rumoobin. Iyadoo sheegtay inay ku biirtay qoxootiga Soomaaliyeed ee Yemen.

“Halkan (Yemen) waxaan kusoo galay doonni, markii aan ogaaday inaana u gudbin karin Sucuudiga ayaa iska guursaday, uur ayaan yeeshay, waxaana ku biirray qoxootiga Soomaalida ee Yemen,” ayay tiri Ismahaan oo IRIN u warramaysay iyadoo intaas ku dartay. “Waxaan ku nool nahay nolol aad u adag, xitaa kuma fikarayo inaan halkan maalmo kale kusii noolaado.

Sidoo kale, Ismahaan oo hadda ah hooyo dhashay shan cunug ayaan la noolayn ninkeeda, waxayna sheegtay inay tuugsato si ay nolosheeda iyo tan caruurteeda u maareyso. Iyadoo cod gaaban ku sheegay inay jeclaan lahayd inay dib ugu laabato dalkeeda.

Dalka Yemen ayaa waxaa ku nool qoxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo intooda badan ay ku jiraan xerada Al-kharras oo ku taalla gobolka Laxaj ee Koonfurta dalka Yemen.

“Tahriibkii ay Soomaalidu ku iman jireen Yemen aad ayuu hoos ugu dhacay. Sidoo kale tahriiyaashii Itoobiyaanka ahaa ayaa iyaduna hoos u dhac uu ku yimid. Xaaladda Soomaaliya hadda waa mid kasoo raynaysa, qoxootiga ku nool Yemenna waxay doonayaan inay dib ugu laabtaan dalkooda,” ayuu yiri Saalax Xasan oo ka mid ah shaqaalaha hay’ad DRC oo caawisa qoxootiga.

Sagaalkii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2013, waxaa dalka Yemen hab qoxooti ahaan ah ku galay 9,709 ruux oo Soomaali ah, kuwaasoo hay’adda qoxootiga Adduunka ee UNHCR ay diiwaan-gelisay.

“Noloshu waa mid adag halkan (Yemen). Markii nagala soo Waco Soomaaliya dadka waxaan u sheegnaa inay dalkooda iska joogaan oo aysan iman halkan,” ayuu yiri madaxa golaha bulshada Soomaalida ee magaalada Cadan ee dalka Yemen, Sheehk Abshir Xasan Yuusuf oo la hadlayay IRIN.

Sidoo kale, Yuusuf oo sii hadlaya ayaa yiri: “Toban sano ka hor noloshu way hagaagsanayd, balse markii qulqulatooyinka dhaqaale ay dunida ka dhacday shaqooyinkii ayaa yaraaday, noloshuna waxay noqotay mid adag, waayo ma jirto shaqo, ma jirto meel uu dhaqaale kaasoo galayo.”

Ugu dambeyn, dhallinyaro labaatan jirro ah oo Qoxooti Soomaaliyeed ah oo ku dhashay dalka Yemen ayaa sheegay in xaalad adag ay ku jiraan ayna aad u jeclaan lahaayeen inay dalkooda ku laabtaan si ay nolol cusub uga abuuraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya