4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo sheegay in Dakhliga soo gala Dowladda Somalia uu si aad ah sare ugu kacay Sannadkan


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Wasiirka maaliyadda dowladda Somalia, Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa maanta sheegay in dakhliga soo gala dowladda Somalia uu aad sare ugu kacay sannadkan, taasoo uu ku sheegay inay ku timid ka hortagga musuqmaasuqa.

Suleymaan ayaa sheegay in isbedelkan uu yahay mid ay xukuumadda Somalia ku bixisay dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka, wuxuuna xusay inay dadaalkooda sii wadi doonaan inta la gaarayo in dhaqaale ku filan dowladdu kasoo galaya dalka gudihiisa.

“Qasnadda dowladda xilligan waxaa ku soo dhacda lix milyan oo doollarka Mareykanka ah bil walba, halka 11-bilood ka hor ay kusoo dhici jirtay laba milyan iyo laba boqol oo kun,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo daqliga dowladda soo gala billowgii sannadan iyo hadda oo ay bil keliya ka harsan tahay sannadka 2013.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in markii ay xilka la wareegay dowladda Soomaaliya oo ahayd dhammaadkii sannadkii hore ay dadaal badan gelisay sidii dib loogu soo celin lahaa dhaqaalihii dalka, tanina ay qayb ka tahay dadaalkaas.

“Xukuumaddu muddadii halka sano ahayd ee ay dhisnayd waxay dadaal ku bixisay sidii ay u tayeyn lahayd hannaanka miisaaniyadda dalka, waana mid ay dowladdu ku faani karto tallaabadan horay loo qaaday,” ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay markii ay xilka la wareegeen in howsha ugu weyn ee ay xoogga saarayaan ay tahay ammaanka, ayna ka shaqeyn doonaan sidii looga hortegi lahaa musuqmaasuqa oo la sheegi jiray inuu yahay mid la dagay Soomaaliya.

“Dakhligan wuxuu dowladda kasoo gala garoonka diyaaradaha iyo dekedda oo ah ilaha ugu waaweyn ee dhaqaale ahaan aan ku tiirsannahay, runtiina tani waa arrin muujinaysa sida loola dagaalamay musuqa iyo wax-is-daba-marinta,” ayuu wasiirku mar kale yiri.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli lagu wado in bishan uu baarlamaanka Soomaaliya horgeeyo miisaanadda dowladda ee sannadka soo socda, taas oo uu sheegay in la kordhin doono sannadkan si howlo badan oo dowladda horyaalla wax looga qabto.

Dhanka kale, hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay beesha calaamku ugu yaboohday Soomaaliya lacag balaayiin doollar ah si dib loogu dhiso Somalia saddexda sano ee foodda nagu soo haysa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya