4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Booliiska Dalka Talyaaniga oo ruux Somali ah u Xiray Musiibadii Tahriibayaal Afrikaan ah ku qabsatay Jasiiradda Lampedusa


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Booliiska dalka Talyaaniga ayaa maanta xiray nin Soomaali ah oo 24-jir ah oo aan magaciisa la sheegin, kaasoo lagu eedeeyay inuu soo tahriibiyay dadkii saarnaa doon horraantii bishii Okoobar ee sannadkan ku dagtay jasiiradda Lampedusa oo ay ku dhinteen 336-qof oo Eritrean u badan.

Ninka ayaa lagu xiray jasiiradda Lampedusa, wuxuuna ka mid ahaa koox ka mid ah tahriibayaal gaaray jasiiraddaas muddo hore. Iyado sidoo kale lagu eedeeyay gabbood-fallo dhinaca galmada ah oo u geystay haween ka mid ah tahriibayaal galay Talyaaniga.

Afhayeenka booliiska magaalada Palermo ee gobolka Sicily ayaa sheegtay in ninka la aqoonsaday xilli su’aalo la weydiinayay dadka soo galootiga ah ee ka badbaaday musiibadii Lampedusa.

Labo nin oo kale oo u kala dhashay dalalka Tunisia iyo Falastiin ayaa la soo taagi doonaa maxkamad, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen qaxooti Suuriyaan ah oo ay u tahriibiyeen dalka Talyaaniga.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in tan iyo billowgii sanadkan 35,000 oo qof oo magan-gelyo doon ah ay soo gaareen dalkeeda, xilli Talyaaniga iyo Midowga Yurub ay wadaan dadaallo looga hortagayo muhaajiriinta Afrika iyo dalalka Carabta qaarkood ka imaanaya.

Bishii Oktoobar ee sannadkan ayaa waxaa laba doomood oo ku dagay meel ku dhow xeebaha Jasiiradda Lampedusa waxaa ku dhintay in ka badan 336-qof oo tahriibayaal ahaa, kaddib markii doonyihii ay la socdeen uu dab uga kacay si lama filaan ah.

Maydadka intooda badan ayaa laga soo saaray gudaha doonta oo looga daba-tagay gunta hoose ee badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiya, iyadoo maydadka ay ku jireen haween uur leh iyo caruur.

Tahriiibayaashan oo u badnaa Eritrean ayaa waxay doonyahan kula jireen badda muddo saddex maalmood ah, waxaana musiibadan ay ku dhacday xilli aan laga warhayn soo gaaritaankooda xeebaha Lampeduse.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya