4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Al-shabaab oo sheegtay in shirkii Jubbooyinka uu ahaa mid ujeeddo gaar ah laga lahaa shacab Dagaalsanna uusan jirin


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shirkii Jubbooyinka iyo qodobbadii kasoo baxay ku tilmaantay kuwo dano gaar ah laga leeyahay.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo warbaahinta la hadlya ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa mid ay gardaadinasay Itoobiya, ujeeddada laga leeyahayna ay ahayd in lagu helo lacagihii laga ballan-qaaday Brussels.

“Shirkii Jubbooyinka ee Muqdisho lagu soo gabgabeeyay wuxuu ahaa mid laga leeyahay dano gaar ah, mana jirto cid ku dagaalsan Jubbooyinka,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo intaas ku daray: “Wixii Kismaayo ku dagaalamay waxay ahaayeen hoggaamiye kooxeedyo, mana jirin shacab dagaalamay.”

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay in qodobbadii kasoo baxay shirkaas ay yihiin kuwo la mid ah kuwii horay uga soo baxay shirkii Addis Ababa ay ku gaareen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

“Wuxuu shirkan ahaa mid ay gardaadinaysay dowladda Itoobiya, waxaana aan ku tilmaami karnaa inuu yahay fikir laga soo koobiyeeyay Itoobiya oo innaga baasti nalagu yiri,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenk Al-shabaab.

Dhanka kale, afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka.

Hadalka afhayeenka Al-shabaab ayaa imaanaya xilli shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka lagu soo gabgabeeyay Muqdisho maalin ka hor, qodobbadii ka soo baxayna ay ka mid ahaayeen in Al-shabaab laga saaro deegaannada ay kaga sugan tahay gobolladaas.

Xarakada Al-shabaab ayaa ka talisa deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, iyadoo si buuxdana gacanta ugu haysa gobolka Jubbada dhexe oo ka mid ah gobollada uu ka talinayo maamulka KMG ah ee Jubba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya