4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2013
AMSIOM oo sheegtay inay shirkado Soomaaliyeed la saxiixatay hishiis lagu Dayactirayo Iskuullo iyo Buundada Warmaxan

Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay inay heshiis dib loogu dayac-tirayo laba iskuul iyo buundada Warmaxan oo la dhisay xilli ay biyo xooggan ku dhufteen Koonfurta Soomaaliya, markaasoo jidkaas ay biyo gooyeen.

War-saxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegay inay heshiiskaas la saxiixatay maanta shirkadaha dhismaha ee kala ah: Brothers Relief and Development Organisation (BRADO) iyo United Development Housing in Somalia (UDHIS).

“Shirkadahan waxay dib u dayactir ku sameyn doonaan iskuulka hoose iyo dhexe ee Saabir oo ku yaalla degmada Wardhiigley kaasoo ay wax ku baran karaan 600-arday, Buundada Warmaxan iyo sidoo kale iskuulkii hoose/dhexe ee deegaanka Leego oo ay wax ku bartaan 300 oo arday,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka AMISOM, iyadoo sidoo kale ay AMISOM sheegtay inay iyadu bixinayso kharashka ku baxaya dhismayaashan.

Danjire, Epiphanie Ntamwana Kabushemeye oo ku hadlaysay magaca ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin tallaabadan, isagoo xusay in tani ay caddeyn u tahay inay ka qaybqaadanayso AMISOM dib u dhiska meelaha muhiimka ah ee faa’iidadu ay ugu jirto bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan rumeysanahay in mashruucan dib loogu dayactirayo meelaha ay ka faa’iideysan karaan bulshada Soomaaliyeed uu noqon doono mid faa’iidada laga helayo ay aad u fog tahay,” ayuu tiri Kabushemeye.

Sidoo kale, madaxa arrimaha bulshada ee AMISOM, Dr Opiyo Ododa oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in fikirkan uu yimid xilli uu si aad ah u soo kordhayo is-dhexgalka bulshada Soomaaliyeed, lana dareemayo naabd kasoo bidhaamaysa Soomaaliya.

“AMISOM xiriir wanaagsan ayay la leedahay bulshada Soomaaliyeed, taasna waxaa caddeyn u ah mashaariicda muddada dheer socon doona ee ay dalka ka fuliayso si shacabku uga faa’iideystaan. Waxaana rajeynayaa inaan intaa kasii kordhin doonno mashaariicda,” ayuu yir Dr. Opiyo.

Dhanka kale, Qaasim Yaxye Ibraahim oo ah madaxa shirkadda dhismaha ee BRADO ayaa uga mahadceliyay AMISOM iyo hay'adda UNSOA taageerada ay shacabka Soomaaliyeed u fidinayaan isagoo yiri. “Waxaan xaqiijinayaa in mashaariicdan ay ku yimaadeen wada-shaqeyn dhexmartay cuqaasha deegaannada laga hir-gelinayo iyo AMISOM si horumar loogu sameeyo nolosha bulshada Soomaaliyeed, waxaana kaga mahadcelinayaa AMISOM taageerada ay mar walba la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.”

Saxiixa heshiiskan ayaa ka dhacay xarunta AMISOM ee Muqdisho, iyadoo ay goob-joogayaal ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan AMISOM iyo madaxda labada shirkadood ee mashaariicdan fulinaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya