4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2013
Qaar ka mid ah Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynenimo ee Puntland oo ku baaqay in la dhiso dallad mideysa

Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa markii ugu horreysay waxaa shir ku qaatay xubnihii ugu badnaa ee isku soo sharaxay hoggaanka madaxtinimo ee maamulka Puntland.

Shirka musharrixiinta ayaa inta badan waxaa lugu gor-fooyey sidii ay u dhici lahayd doorasho wadda qancisa musharrixiinta oo noqota mid nabdoon, sidoo kale dhinacyada shirka qaatay waxay soo saaran baaq ay faah-faahin kaga bixiyeen shirkooda.

BAAQ MURASHAXIINTA:

Annaga oo ah xubno ka mid ah murashaxiinta u tartamaya hoggaanka sare ee Puntland waxaa maanta oo taariikhdu tahay 6/11/ 2013, waxaan kulan hordhac ah ku yeelanay magaalada Nairobi (Kenya).

Waxaan ku qaadaa-dhignay duruufaha adag ee ku xeeran doorashada madaxweynenimada Puntland ee dhici doonta 8/1/2014 iyo habsami u socodka looga baahan yahay.

Labadaas arrimood oo ah kuwo aan isku dheelli-tirneyn ayaa u muuqatay dhammaan murashaxiin kulanka yeeshay.

Sidaa darted; waxaanu isla garanay inay lagama maarmaan tahay in la helo qaab doorasho oo ku dhisan wadatashi dhammaan inta ay khuseyso sida Isimada, dowladda, musharraxiinta iyo bulshada rayidka ah, taasoo suuro-gelin karta doorasho hufan oo cadaalad ku dhisan.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib, waxaanu isla-gaarnay qodobbadan hoos ku xusan:

1. Murashaxiintu markii ay dhamaantood gudihii dalka tagaan, inay dhistaan dallad mideysa si iyagoo wadajir ah ay u raadiyaan doorasho hufan oo is-beddel keenta.

2. Waxaan taageero buuxda siinaynaa bayaankii Gaalkacyo ee laga soo saaray 29/ 10/ 2013, kaasoo ay soo saareen qaar ka mid ah murashaxiinta Puntland. Qodobbadiisii lixda ahaa ayaanu u aragnaa inay saldhig u yihiin doorasho hufan oo dadweynaha Puntland ay ku kalsoonaan karaan.

3. Isimada Puntland waxaanu ugu baaqaynaa inay gutaan xilka taariikhiga ah ee ka saaran wadajirka iyo nabadgelyada Puntland.

Sidaas awgeed, murashaxiinta bayaankan saxiixay, waxay ku baaqayaaan qabsoomidda shirkii Isimmada ee uu gogoshiisa dhigay Qardho ku-simaha boqorka, welina aan la laabin, si ay u turxaan-bixiyaan mad-madowga soo kala dhex-galay beelaha walaalaha ah ee wada dhistay dowladda Puntland (1998).

4. Waxaan u mahad-celinaynaa beesha caalamka dadaalka ay la garab-taagan tahay in doorashada Puntland ay u dhacdo si hufan, loona sii adkayn lahaa nabadgelyada Puntland, gaar ahaan Garoowe. Murashaxiinta bayaanka saxiixay waxay ka codsanayaan bulshada caalamka inay sii xoojiyaan la socoshada, ayna goob-joog ka noqdaan hannaanka doorashada, si ay u noqoto doorashada mid loo dhan yahay loona siman yahay.

5. Murashaxiinta bayaankan saxiixay, waxay soo jeedinayaan in doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda oo ah 8/01/2014. Isla markaasna u dhacdo si nabad ah.

6. Qaybaha bulshada Puntland ee kala duwan, dhamaantood waxaanu ugu baaqeynaa inay adkeeyaan nabadgelyada. Isla markaas ay ka shaqeeyaan sidii doorashadu ay inoogu dhici lahayd qaab hufan, wanaag iyo hiraalna ku kordhisa aayaha wanaagsan ee shacabkayagu tiigsanayo.

Murashaxiinta bayaankan soo saaray waxay kala yihiin:

1. Xaaji Maxamad Yaasiin Ismaaciil

2. Mr. Maxamad Cabdi-Nuur Xirsi

3. Prof. Cabdi-weli Maxamad Cali-Gaas

4. Dr. Cali Xaaji Warsame

5. Dr. Saadiq Maxamad (Enow)

Hiiraan Online, Gaalkacyo