4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2013
Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda iyo Saraakiisha AMISOM oo maanta gaaray deegaannadii lagu dagaallamay ee gobolka Hiiraan

Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo isugu jiray xildhibaanno, agaasimaha guud wasaarrada arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya iyo saraakiisha Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa maanta gaaray deegaannada Deefoow iyo Kabxanley oo bilihii ugu danbeeyayba ka jireen xiisado colaadeed oo u dhaxeeya beello halka wada dega.

Xubnaha wafdiga ka socday dowladda iyo saraakiisha ciidamada AMISOM waxaa halkaa ku soo dhaweeyay odayaasha iyo waxgaradka deegaannadaas oo maalmihii ugu danbeeyayba wada hadal ka lahaa sidii loo dhameyn lahaa khilaafka labada dhinac.

Agaasimaha guud wasaarrada arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya Cali Abtidoon Xalane ayaa u sheegay waxgaradka iyo odayaasha deegaannadaas in wixii hadda ka danbeeya dowladda federaalka si toos ah u fara-galin doonto xal ka gaarista muranka ku saleysan dhul beereedyada leysku hayo ee deegaannadaas ku yaala, madaama ay ku adkaatay waxgaradka labada dhinac in ay  xal kama danbeys ah gaaraan colaada.

“Khilaafka halkan ka taagan wixii hadda ka danbeeya waxaa si toos ah xal uga gaari doonta dowladda federaalka Soomaaliya si sharci ah ayaa loo kala bixin doonaa,’’ ayuu yiri agaasimaha wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan guddiyo arinta loo saaray looga fadhiyo in ay xal ka gaaraan colaada, isaga  oo intaa ku darray in marnaba aan loo dul-qaadan doonin dagaallada soo noq noqday ee ka dhaca deegaannadaas.

Xildhibaan C/naasir Gaarane oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah wafdiga maanta gaaray deegaannada Deefoow iyo Kabxanley ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac in ay la yimaadaan tanaasul, lana soo afjaro khilaafka salka ku haya lahaashaha dhul-beereedyada.

Mas’uuliyiin maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo ayaa marar badan oo hore xoogga saaray sidii loo soo afjari lahaa khilaafka labada beellood, waxaana marar badan maamulku uu ku guuleystay in uu hishiis dhax-dhigo labada dhinac, inkastoo hishiiskaa kadib dagaallo dhowr ah ay dhaxmareen dhinacyada iska soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya