4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2013
Munaasabad Sagootin ah oo Xalay Muqdisho loogu sameeyay Ergooyinkii ka Qayb-galay shirkii dib u Heshiisiinta Jubbooyinka (SAWIRRO)


Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — Xaflad sagootin ah ayaa xalay loogu sameeyay Muqdisho ergooyinkii ka qaybgalay shirkii dib u heshiisiinta ee Jubbooyinka oo saddex maalmood ka socday Muqdisho, kaasoo shalay lasoo gabagabeeyay.

Munaasabadda ayaa waxaa hadallo ka jeediyay ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Soomaaliya waa dal hodan ah, waxaana la dagay dagaal sokeeye iyo colaado soo noq-noqday, mar haddii dadaal dheer loosoo galay sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha Jubbooyinka, taasi waxay tusaale u tahay biseylka iyo sida ay idiinka go’an tahay inaad nabad ku wada noolaataan, waaana wax lagu farxo mudanna in la soo dhaweeyo maanta inaad noqotaan kuwo laga tusaalo qaato marka laga hadlayo dib-u-heshiisinta Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid isagoona dhanka kale xusay in ay u balan qaadayaan maamulka Juba in Xukuumadiisu dadaal dheeraad ah u gali doonto soo celinta adeegyadii Bulshada ee ku bur-buray dagaaladii ka dhacay gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale aad ugu mahadceliyey Ergooyinka ka qaybgalay shirka Jubbooyinka ee heshiiska kala saxiiday sida ay u muujiyeen tanaasul mudadii yarayd ee shirku socday.

"Maalintii ugu horreysay oo shirku billaamayay waxaa idinka muuqday kalsooni xumo idinku kala dhex-jirtay, waxaadna u kala fadhideen koox-koox, maantana waxaa ilaahay mahadiis ah inaad is-dhex-fadhisaan, heshiis wada gaarteen, diyaarna u tihiin inaad shacabkiinna u wada adeegtaan, haddii aad hirgalisaan isbadalka siyaasadeed oo hadda billowday, waxaa xaqiiqo ah in muddo yar gudaheed uu maamulka Jubba isku bedeli doono maamul goboleed rasmi ah,” ayuu mar kale yiri ra’iisul waasare Saacid.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa isagoo sii hadlaya wuxuu yiri: “Anigu waxaa si aad ah ugu faraxsanahay in ajandayaasha aad heshiiska ku gaarteen ay qaybta sare kaga jirto la dagaalanka Al-shabaab, dowladduna waxay diyaar u tahay inay gacan idinka siiso sidii aad kooxdaas looga saari lahaa deegaannada ay gobolladaas kaga sugan yihiin.”

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Dhanka kale hoggaamiyaha KMG-ka ah ee maamulka Jubba ayaa dhankiisa qiray in heshiiskan uu dhabaha u xaari doono nabad waarta oo ay ku wada noolaadaan dadka Jubbooyinka iyo hirgalinta nidaamka federaalka.

“Markii aan imaanaynay Muqdisho waxaa nagu jiray shaki faro badan, waxaa noo muuqday sawir ka duwan kan hadda muuqda, waxaana Muqdisiho kala noqonaynaa niyad sami, waxaan rabaa inaan hoosta ka xariiqo in heshiiskii shalay lagu kala saxiixday halkan uu yahay dhamaystirka heshiiskii Addis-Ababa, nidaamka dadka Jubbooyinkuna wax ku qayb-sanayaana ma noqon doono habka Soomaalidu wax ku qaybsato ee 4.5. Waxaana dadku ku nool Jubbooyinku wax ku qayb-sanayaan hab deegaan iyadoo qof walba wax ku heli doono degmada iyo tuulooyinka ay ka degaan Jubbooyinka, taasina waa xalka kaliya ay ku imaan karto kalsoonida shacabka wada daga goboladaas,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Ugu dambayn, madaxweynah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Jubooyinku ay wada aadi doonaan Kismaayo, Xamarna aysan ka socon doonin shirar looga hadlayo arrimaha Jubbooyinka wixii maanta ka danbeeya.

“Waxaa soo xirmay shirarkii muddo ka socday Muqdisho oo looga hadlayay arrimaha Jubbooyinka, waxaana dhammaantiin wada aadi doontaan Kismaayo si loo dhamaystiro howlaha ka dhiman dib-u-heshiisinta iyo dhamaystirka maamulka Jubba, horumar ay gaaraan dadka Jubbooyinka waxaa furo u ah in lay isku muujiyo kalsooni lagana dhabeeyo heshiisyada la gaaray, waxaana idinkula dardaarmi in farxada hadda idinka muuqata aad kula noqotaan guryihiina kana shaqaysan soo celinta nabadda iyo is-dhex-galka bulashada si meesha looga saaro is-faham waagii ragaadiyay horumarka gobolladaas,” ayuu yiri Madaxweyaha Soomaaliya.

Ergooyinka Jubbooyinka ayaa lagu wadaa inay maanta dib ugu dhoofaan magaalada Kismaayo, iyadoo shirkan uu noqonayo shirkii ugu horreeyay oo Jubbooyinka loogu qabto magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya