4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2013
Golaha Wasiirrada oo ka Shiray Amniga, soona dhaweeyay Natiijadii ka soo baxday Shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka

Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana loooga hadlay sugidda amniga iyo natiijadii kasoo baxday shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee shalay lagu soo gabgabeeyay Muqdisho.

Kulankan ayaa warbixino looga dhageystay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guleed iyo wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, waxayna ka warbixiyeen xaaladda amniga ee dalka.

Wasiirka amniga ayaa ka warbixiyay howl-gallo ay todobaadyadii aynu kasoo gudubnay laga sameeyay Muqdisho iyo sidoo kale howlgallo si gaar ah loogu baacsanayay kooxo xiran dareyska ciidanka oo jid-gooyo u dhigta gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ciidamo gaar ah oo loogu talo-galay la dagaalanka kooxahaasi burcadda ah ay gacanta kusoo dhigeen tiro kooxahaas ka tirsan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ka hadlay howlgallo ay ka sameeyeen Muqdisho oo ay kusoo qabqabteen kooxo ka tirsan Al-shabaab oo ku howlanaa falal lagu waxyeeleynayo amniga shacabka.

Dhanka kale, golaha wasiirrada ayaa si buuxda u soo dhoweeyay go’aannada iyo gebi ahaan natiijadii kasoo baxday shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee lagu soo gabgabeeyay Muqdisho, waxayna xuseen inuu shirkani noqon doono mid horseeda nabad ku wada-noolaansho ka hirgasha Jubbooyinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Shirdoon oo shirka guddoominayay ayaa golaha Wasiirada ka dalbaday in wasaaradaha dowladda ay ka shaqeeyaan sidii loo gaarsiin lahaa deegaanadaa Jubbooyinka adeegyada dadweynaha iyo mashaariicda horumarineed, maadaama deegaannadaas ay ka jiraan baahi dhanka horumarinta ah sida: waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee bulshada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya