4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2013
Ciyaar xiiso badan oo Garoonka Banaadir Istadium ku dhexmartay Kooxaha Kubadda Cagta Banaadir iyo Elman (SAWIRRO)


Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — Ciyaar kubadda cagta ah oo aad u xiiso badan ayaa shalay gellinkii dambbe ku dhexmaray gartoonka Banaadir Stadium oo dayactir xooggan lagu sameeyay, iyadoo ay ciyaartan oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne fara badan ay dhexmartay kooxaha Elman iyo Banaadir.

Labadan kooxood oo kala ahaa labadii kooxood ee ku kala guuleystay kooxihii horyaalka Soomaaliya iyo kii Jeneraal Daa’uud, iyadoo kooxahan ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan.

Kooxda Banaadir ayaa qaybtii hore ee ciyaarta ay u suurogashay inay dhaliso gool, waxaana qaybta hore ee ciyaarta lagu kala maray gool iyo waxba, iyadoo kooxda Elman ay qaybtii labaad ee ciyaarta dhalisay goolkii bar-barra ahaa.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Intaas kaddib labada kooxood waxay soo bandhigeen ciyaar aad u adag iyadoo koox walba ay doonayso inay ku guuleysato koobka super cup-ka, balse ciyaarta ayaa waxay daqiiqadihii loogu talogalay kusoo dhamaatay bar-barro gool iyo gool ah, waxaana loo dhigay labada kooxood gool-ku-laadyo.

Rigoorayaasha ayaa waxaa ku guuleystay kooxda Elman, iyadoo garoonka lagu guddoonsiiyay koobkii Super Cup-ka ee loo tartamayay, iyadoo tani ay noqonayso ciyaartii ugu horreysay oo kooxahan ay ku ciyaaraan garoonka Banaadir Stadium oo dayactir lagu sameeyay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda adeegga bulshada, Maxamuud Macallin Yaxye ayaa kooxda Elman FC guddoonsiiyay koobka, iyadoo ciyaartoyda kooxdan ay halkaas kusoo bandhigeen dabaal-dag, halka kooxdii Banaadir ee laga badiyay ay iyaguna murugo hareysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya