4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2013
Garaad Jaamac oo Eedeyn u Jeediyay Maamulka Puntland iyo Madaxweyne ku Xigeenka Khaatumo oo gaaray Buuhoodle

Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo ka mid ah waxgaradka gobolka Sool ayaa maamulka Puntland uga digay fara-gelin uu sheegay inay ku hayaan maamulka Khaatumo.

Garaad Jaamac oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Saax-dheer oo 75Km. dhinaca Koonfur-galbeed kaga aaddan magaalada Laascaanood ayaa wuxuu maamulka Puntland ku eedeeyay inay dhibaato u geysteen maamulka Khaatumo isagoo xusay ciidammo ku sagan degmada Taleex iyo haween dhawaan loo diiday inay magaaladaas tagaan.

Sidoo kale, Garaad Jaamac ayaa wuxuu dowladda federaalka, QM, AU, IGAD iyo deeq-bixiyeyaasha ka codsaday inay wax ka qabtaan dhibaatada loogu geysto dhaqaalaha ay ku bixiyaan bini'aadaminimada oo uu sheegay inay maamullada Puntland iyo Somaliland u adeegsadaan burburinta maamulkooda.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Maxamed Jaamac Yuususf (Indha-sheel) ayaa habeennimadii xalay si weyn lagu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle isagoo kasoo kicitimay magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Indha-sheel ayaa sheegay inuu u gudbi doono magaalada Taleex oo uu dhici doono shirkii maamulka Khaatumo, waxaanu intaas ku daray inuu war-weyn iyo waxqabadba wadda.

Safarkan oo dalka dibaddisa kaga soo laabtay ayaa wuxuu kusoo beegmay xilli xiisad ka taagan tahay magaalada Taleex oo uu ku sugan yahay Jen. C/samad Cali Shire madaxweyne ku xigeenka Puntland, isla markaana aanay isku fayoobayn mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo oo laftooda xiisadi ka dhex taagan tahay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool