4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2013
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA: “Waxaan ku guuleysannay inaan 64 unug oo Al-shabaab ka tirsan ku burburinno muddo kooban”

Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in muddo 90-casho gudahood ah ay ku burburiyeen 64-unug oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ka howlgalayay Muqdisho.

Mudane Guuleed ayaa sheegay in unuguyadan ay qaarkood ahaayeen kuwo shaqeynaya halka kuwo kalena ay ahaayeen kuwo aan shaqeynayn oo amar sugaya, isagoo xusay in tallaabada lagu burburiyay ay fuliyeen ciidamadaa kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

“Waxaan ku guuleysannahay muddo saddex bilood gudadhood ah inaan bur-burinno 64-unug oo hoostaga Al-shabaab, kuwaasoo qorsheynayay inay ka geystaan Muqdisho qaraxyo iyo falal ammaan-darro,” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay xaflad qado-sharaf ahayd oo loo sameeyay safiirrada dalalka carabta u jooga Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka dowalddu ay ku daba-jiraan kooxaha Al-shabaab ee doonaya inay dhibaatooyinka ka geystana degmooyinka Soomaaliya.

“Qorshaheennu waa inaan muddo dhowr soo af-jarno dhibaatooyinka ay ka geysanayso Al-shabaab magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka,” ayuu wasiirka hadalkiisa raaciyay isagoo rajo weyn ka muujiyay inay Muqdisho noqon doonto goob ka ammaan ah falalka Al-shabaab.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha wuxuu sheegay inuu socdo qorshe lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro dalka oo dhan, isagoo xusay inay ka socdaan dalka oo dhan howlgallo qorshahoodu yahay in looga hortago Al-shabaab.

Inkastoo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya uu sheegay inay burburiyeen unugyo ka tirsan Al-shabaab oo Muqdihso ku sugnaa, ayaa haddana waxaa ka dhaca Muqdisho falal ammaanka ka baxsan oo ay dilal qorsheysan ka mid yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya