3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2013
Shirweynaha dib u dhiska iyo Maal-gashiga Soomaaliya oo Maanta si Rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi (SAWIRRO)

M1410014.jpg
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Shir ay kasoo qaybgaleen wufuud kakala timid caalamka oo isugu jira ganacsato,siyaasiyiin iyo shirakado Soomaali ah iyo ajaanib leedahay ayaa ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay hay'ada Hanvard qaybteeda qaarada Afrika ayaa loogu magacdaray maalgashiga Soomaaliya.

Waxaa qabanqaabiyayaasha shirkan ay ku tilmaameen in ujeedkiisu yahay dib u dhis iyo maalgashi ballaaran oo laga sameeyo Soomaaliya, loona gogol xaaro sidii ay dalka u maalgashan lahaayeen shirkadaha ajaanibta iyo kuwa maxalliga ahba.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkan Kenya oo furay shirka ayaa ku tilmaamay soo qabanqaabiyayaashii inay dalkooda wax wayn u qabteen dawlada Soomaaliyana ay garab taagantahay qorshaha lagu doonayo in lagu maalgashado Soomaaliya.

"Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay soo dhaweyso cidwalba oo doonaysa, inay maalgashi ka samaysato" ayuu yiri Cali Ameeriko.

Ambassador Maxamed Cabdi affey oo jagooyin kala duwan kasoo qabtay dalka Kenya oo isagu hogaaminayay qaybtii koowaad ee shirka ayaa ku tilmaamay Soomaaliya inay tahay waddan istiraatiji u ah ganacsiga iyo maalgashiga gobolka.

M1410005.jpg

"Soomaaliya maantay waxay gashay marxalad cusub, waxayna diyaar u tahay inay u fududeeyaan cidwalba oo doonaysa inay halkaa ka samaysato maalgashi, waxaanan ku boorrinayaa dadka Keenyaanka ah inaan fursadaas looga hormarin" ayuu yiri Affey.

Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in bogga cusub ee Soomaaliya ay bilowday inuu yahay mid rajo wanaagsan u xambaarsan gobolka iyo wadamada caalamka.

"Soomaaliya waa waddan xudun u ah ganacsiga gobolka iyo caalamkaba, waxayna maalgashiga dalkeenu noqonaysaa mid ay ka faa'iidaan dhammaan shirkadaha caalamku" ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliland Maxamed C/laahi Cumar oo khudbad ka jeediyay shirweynaha maalgashiga Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira Soomaaliland.

"Somaliland labaatan iyo labo sano ayay ku jirtay xasillooni buuxda, waxayna soo dhawaynaysaa cidii doonaysa inay maalgashadaan dalkeena" ayuu yiri Maxamed C/laahi.

M1410072.jpg

Safiirka dawlada ingiriiska u jooga dalka Soomaaliya Ambassador Matt Baugh oo shirkaasi ka hadlay ayaa isna ku tilmaamay dawlada ingiriisku inay tahay saaxiib ay Soomaaliya leedahay, isagoo tusaale u soo qaatay shirkii London ee dhawaantan dhacay iyo furitaanka safaarada Britain ee magaalada Muqdisho oo ahaa tallaabooyin lagu taageerayay shacabka iyo dawlada Soomaaliyeed.

Xassan Nuur oo ah madaxa hay'adda Hanvard qaybteeda Afrika oo hay'adoodu ay shirkan qabanqaabisay ayaa sheegay in kasoo qaybgalka ballaaran ee shirka ay muujinayso in lagu guulaystay ujeedkii shirka oo ahaa in la isu keeno dhammaan dadka uu khuseeyo maalgashiga iyo dib u dhiska Soomaaliya.

"Dhammaantiin waad ku mahadsantihiin imaanshihiina, shirkaani wuxuu tusaale u yahay horumarka dhaqaale ee aynu doonayno inaanu dalkeena gaarsiino, waana guul" ayuu yiri Xassan.

Shirkan oo socon doona ilaa iyo maalinta barri ah  ayaa lagu soo bandhigay shirkado kala duwan oo doonaya inay dhawaan ka hawlgalaan Soomaaliya, kuwaasoo soo bandhigay qaar kamid ah adeegyadooda iyo badeecadaha ay iib geeyaan.

M1410016.jpg
M1410028.jpg
M1410066.jpg
M1410030.jpg
M1410054.jpg
M1410097.jpg
M1410112.jpg
M1410115.jpg
M1410121.jpg
M1410080.jpg
M1410084.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya













Click here
5/28/2013 11:31 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Waxaa maanta xarigga laga jaray dhisme casri ah oo laga dhisay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dhismahan oo muddo labo sano ah lawadey, waxaa iska leh shirkadda Iftin Group.

5/28/2013 11:26 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Jaamacadda SIMAD ayaa maanta kusoo gabagabeysay bandhig loogu magacdaray toddobaadka dhaqanka (Cultural Week) oo Sabtidii ka billowday xarunta jaamacadda ee Muqdisho, halkaasoo lagu soo bandhigay tartamo isugu jiray dhaqan, diini iyo kuwa ciyaareed oo dhammaantood abaal-marinno lagu siiyay dadkii ku guuleystay.

5/28/2013 10:04 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay shan qof oo qoys kasoo jeeda deegaan lagu magacaabo Laba-ceel oo ku yaalla Koonfurta gobolka Mudug, waxaana dadka la dilay ay isugu jireen aabbe, hooyo iyo caruur ay dhaleen.

5/28/2013 9:31 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Diyaarad kuwa wax basaasa ah oo yar ayaa kusoo dhacday goor dhow duleedka degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

5/28/2013 9:21 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne oo ay ku jiraan ama jiifaan bukaano ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa soo food saartay xaalad adag oo dhinaca oo la xiriirta habsami u socodka howlaha caafimaadka, kadib markii dabayaaqdii sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2012 ku dhawaaqday hay'adda MSF Swiss in ay joojisay howlihii caafimaad oo ay ka waday isbitaalka.

5/28/2013 8:46 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayey danjire Augustine Mahiga oo shaqadiisu ay ku eg-tahay bisha soo socda ee Juun.

5/28/2013 8:42 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Xildhibaan Xoosh Jibriil oo kamid ah guddi ka koobnaa 16 xubnood ee ay dowladda Soomaaliya usoo xilsaartay arimaha Jubooyinka ayaa ka warbixiyay kulan ay maanta la qaateen masuuliyiinta maamulka Kismaayo.

5/28/2013 8:09 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, xubno ka tirsan hay’adaha WHO, UNICEF, OCHA iyo mas’uuliyiin la socda waaxda caafimaadka dowladda ayaa ka qayb-galay xaflad lagu daah-furayey tallaalka cudurka halista ah ee dabeysha oo wajigiisii labaad maanta si rasmi ah uu u furmay Muqdisho.

5/28/2013 8:06 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Sheekh Xasaan Xuseen oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed islamarkaasina ah wadaad siweyn u taageersan xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa cajalad maqal ah oo uu soo saaray ku baaqay in la dilo cid walba oo khilaaf ka dhex wada Mujaahidiinta oo uu ula jeedo Xarakada Al-shabaab.

5/28/2013 7:43 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maant dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gogol u fidin doonto dadka ku nool gobollada Jubbooyinka si ay u sameystaan maamul ay iyagu raalli ka yihiin.

5/28/2013 3:40 AM EST
Talaado, May 28, 2013(HOL) :-Waxaa maalintii sedexaad garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku xayiran wafdi ka kooban wasiirro iyo saraakiil ciidan oo ay dowladda Soomaaliya usoo dirtay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.