4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2013
Jaamacadda SIMAD oo Muqdisho Kusoo Gabagabeysay Bandhig-dhaqmeed loogu magac-daray Todobaad Dhaqanka (SAWIRRO)


Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Jaamacadda SIMAD ayaa maanta kusoo gabagabeysay bandhig loogu magacdaray toddobaadka dhaqanka (Cultural Week) oo Sabtidii ka billowday xarunta jaamacadda ee Muqdisho, halkaasoo lagu soo bandhigay tartamo isugu jiray dhaqan, diini iyo kuwa ciyaareed oo dhammaantood abaal-marinno lagu siiyay dadkii ku guuleystay.

Xafladda xirtaanka oo ay kasoo qayb-galeen ma’suuliyiinta Jaamacadda, ardayda, abwaanno, waalidiin iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay, iyadoo lagu soo bandhigay muuqaallo muujinaya dhaqanka Soomaaliyeed, sida farshaxanka, dad xiran dharka hiddaha iyo dhaqanka iyo agabyo kale oo ay Soomaalidu farsameyso, kuwaasoo looga dhaqmo miyiga.

Ardaydii ku guuleystay tartanka Qur’aan akhriska ayaa abaal-marinno kala duwan la guddoonsiiyay, sidoo kale ciyaartooy ku guuleestay tartan kubadda cagta ayaa iyagana abaalmarinno helay, halka suugaanta Soomaaliyeed ay ku badiyeen dad kale oo xafladda lagu maamuusay.

Maxamuud Maxamed Cusman oo ku tartamay gabayada ayaa goobta kusoo bandhigay tix ka hadlaysay nabadda iyo sida shacabku ay xiligaan nabadda ugu heellan yihiin, isagoo dadka ku boorriyay inay ka shaqeeyaan nabadda ayna juhdi badan ku bixyaan.

Guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, Cabdiraxman Max’ed Xuseen (Odowaa) oo ka hadlay xiritaanka tababrkan ayaa ka hadlay muhiimadda uu u lahaa jaamacadda isagoo xusy inuu qayb-wayn ka qaatay is-dhexgalka bulshada, isla markaana ay dadku isku dhaafsadeen cilmi iyo waliba waxyaabaha ay ka yaqaanaan dhaqankooda, arrintaasoo uu ku tilmaamay mid faa’iido badan u leh ardayda Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada.

Jaamacadda SIMAD ayaa markii afaraad qabatay bandhig dhaqameedkan  oo kale, iyadoo ay ka qayb-galayeen shirkado ganacsi oo kusoo bandhigay wax-qabadkooda iyo arday Soomaaliyeed oo soo bandhigaas cilmigooda, dhaqankooda iyo qaybo ka mid ah xirfaddooda kusoo bandhigay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya