3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2013
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh oo ka warbixiyay kulan Maanta dhexmaray Guddiga dowladda iyo Maamulka Kismaayo


Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Xildhibaan Xoosh Jibriil oo kamid ah guddi ka koobnaa 16 xubnood ee ay dowladda Soomaaliya usoo xilsaartay arimaha Jubbooyinka ayaa ka warbixiyay kulan ay maanta la qaateen mas'uuliyiinta maamulka Kismaayo.

Xildhibaan Xoosh oo warfidiyeenada kula hadlay Hotel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in kulankii ay maanta la qaateen maamulka Kismaayo ay uga  wadahadleen arrimo dhowr ah, wuxuuna intaa ku daray in ay isku afgarteen dhammaan qodobbadii ay ka wadahadleen.

Mas'uulkan ayaa sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee ay isku afgarteen ay kamid ahayd in lawada ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida dalka iyo in la taageero go’aamadii kasoo baxay shirkii IGAD islamarkaasina laga qeybgalo shirka ka dhici doona magaalada Muqdisho.

“Waxyaalo badan baan meel isla dhignay oo ay kamid tahay in aan isku wada raacnay amarkii kasoo baxay IGAD inaan u wada hogaansanno iyo shirarka lagu xusay go’aamadii kasoo baxay IGAD shirarka lagu qaban doono xamarna inaan wada fududeeyno siduu u dhici lahaa kadib waxaanu ku ballannay inaanu isu soo noqonno oo waxyaalo cad cad isku raacno maalmaha soo socdo,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in maamulka Kismaayo gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ay u cadeeyeen in ay taageersanyihiin dowladda Soomaaliya islamarkaasina ay diyaar u yihiin in si nabad ah xal looga gaaro khilaafaadka u dhexeeya maamulka iyo dowladda Soomaaliya.

Kulanka ay isugu yimaadeen xildhibaanada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Kismaayo ayaa imaanaya iyadoo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ay ku suganyihiin wafdigii wasiirada ahaa ee uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya













Click here
5/28/2013 1:24 PM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Shir ay kasoo qaybgaleen wufuud kakala timid caalamka oo isugu jira ganacsato,siyaasiyiin iyo shirakado Soomaali ah iyo ajaanib leedahay ayaa ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

5/28/2013 11:31 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Waxaa maanta xarigga laga jaray dhisme casri ah oo laga dhisay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dhismahan oo muddo labo sano ah lawadey, waxaa iska leh shirkadda Iftin Group.

5/28/2013 11:26 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Jaamacadda SIMAD ayaa maanta kusoo gabagabeysay bandhig loogu magacdaray toddobaadka dhaqanka (Cultural Week) oo Sabtidii ka billowday xarunta jaamacadda ee Muqdisho, halkaasoo lagu soo bandhigay tartamo isugu jiray dhaqan, diini iyo kuwa ciyaareed oo dhammaantood abaal-marinno lagu siiyay dadkii ku guuleystay.

5/28/2013 10:04 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay shan qof oo qoys kasoo jeeda deegaan lagu magacaabo Laba-ceel oo ku yaalla Koonfurta gobolka Mudug, waxaana dadka la dilay ay isugu jireen aabbe, hooyo iyo caruur ay dhaleen.

5/28/2013 9:31 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Diyaarad kuwa wax basaasa ah oo yar ayaa kusoo dhacday goor dhow duleedka degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

5/28/2013 9:21 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne oo ay ku jiraan ama jiifaan bukaano ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa soo food saartay xaalad adag oo dhinaca oo la xiriirta habsami u socodka howlaha caafimaadka, kadib markii dabayaaqdii sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2012 ku dhawaaqday hay'adda MSF Swiss in ay joojisay howlihii caafimaad oo ay ka waday isbitaalka.

5/28/2013 8:46 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayey danjire Augustine Mahiga oo shaqadiisu ay ku eg-tahay bisha soo socda ee Juun.

5/28/2013 8:09 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, xubno ka tirsan hay’adaha WHO, UNICEF, OCHA iyo mas’uuliyiin la socda waaxda caafimaadka dowladda ayaa ka qayb-galay xaflad lagu daah-furayey tallaalka cudurka halista ah ee dabeysha oo wajigiisii labaad maanta si rasmi ah uu u furmay Muqdisho.

5/28/2013 8:06 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Sheekh Xasaan Xuseen oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed islamarkaasina ah wadaad siweyn u taageersan xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa cajalad maqal ah oo uu soo saaray ku baaqay in la dilo cid walba oo khilaaf ka dhex wada Mujaahidiinta oo uu ula jeedo Xarakada Al-shabaab.

5/28/2013 7:43 AM EST
Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maant dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gogol u fidin doonto dadka ku nool gobollada Jubbooyinka si ay u sameystaan maamul ay iyagu raalli ka yihiin.

5/28/2013 3:40 AM EST
Talaado, May 28, 2013(HOL) :-Waxaa maalintii sedexaad garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku xayiran wafdi ka kooban wasiirro iyo saraakiil ciidan oo ay dowladda Soomaaliya usoo dirtay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.