4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2013
Diyaarad nooca wax basaasa ah oo ku dhacday Duleedka Deegaanka Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose

Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Diyaarad kuwa wax basaasa ah oo yar ayaa kusoo dhacday goor dhow duleedka degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

Wararka laga helayo deegaanka Buulo-mareer ayaa sheegaya in diyaaradda oo ahayd nooca aan duuliyaha lahayn ay ku dhacday dhul howd ah ayna ku sugan halkaas xoogag hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan.

“Diyaaraddu waxay kusoo dhacday duleedka deegaanka, waxaana hadda ku sugan goobta Al-shabaab oo burburkii diyaaradda gacanta ku haya, lama oga cidda iska leh,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Buulo-mareer oo sababo la xiriira ammaanka u qariyay magaciisa.

Goobjoogaha ayaa sheegay in dadka degmada oo dhan ay aad u hadal hayaan diyaaradda soo dhacday, iyadoo mas’uuliyiinta Al-shabaab ay sheegeen in diyaaraddu ay ahayd kuwa wax basaasa oo ay kaamirooyin ku xiran yihiin.

Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin weli burburka diyaaraddaas, balse guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Siidii oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in goobta ay diyaaraddu ku dhacday ay ku sugnaayeen xoogag taabacsan Al-shabaab.

“Halka ay diyaaraddu ku burburtay labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa kusoo qulqulayay xoogag taabacsan Al-shabaab oo doonaya inay difaacdaan degmooyinka gacantooda ku jira ee ka tirsan gobolkaas,” ayuu yiri Siidii.

Ma jirto dowlad sheegtay inay diyaaraddaas leedahay, balse dhawaanahan waxaa deegaannada ay Al-shabaab ka taliso ee Koonfurta Soomaaliya lagu arkayay diyaaradaha wax basaasa oo dul heehaabaya.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaanno ka tirsan gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo uu ka mid yahay gobolka Shabeellada Hoose oo qaybo badan ay ciidamada dowladdu kaga sugan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya