4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Muqdihso kula kulmay Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya (SAWIRRO)


Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayey danjire Augustine Mahiga oo shaqadiisu ay ku eg-tahay bisha soo socda ee Juun.

Kulankan waxay kaga hadleen guddoomiyaha iyo ergaygu isbedellada ka jira Soomaaliya iyo guullaha is-daba-joogga ah ee ay gaartay dowladda tan iyo markii la dhisay, kuwaasoo isugu jira dhinacyada siyaasadda arimmo kale oo ay ka mid yihiin ammaanka horumarka gudaha laga gaaray.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo markii uu kulanku soo dhammaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in danjire Mahiga uu wax badan soo qabtay, taasoo ay ka mid tahay ka bixitaankii xilligii KMG-ka, ayna kawada hadleen maanta iskaashiga Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, waxyaabihii u qabsoomay Soomaaliya iyo casharrada laga soo bartay.

Danjire Mahiga oo isna dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta la kulmo guddoomiyaha baarlamaanka oo ay is-kala soo shaqeeyeen marxaladihii adkaa ee Soomaaliya looga saarayay KMG-nimadii; waxaana uu ku ammaanay sidii hufnaanta lahayd ee uu ula soo shaqeeyay muddadaasi adkeyd ee Soomaaliya ka gudubtay.

Kulanka labada mas’uul ayaa kusoo gabgagaboobay jawi wanaagsan, iyadoo danjirea Mahiga uu xafiiska banneynayo bisha June ee soo socota, iyadoo ay Soomaaliya uu ka billaabanayo howlgal cusub oo Qaramada Midoobay ay hor-kacayso taasoo uu madax ka noqonayo Nicholas Kay oo u dhashay dalka Britain.

Mahiga ayaa ahaa madaxii xafiiska UNPOS ee Soomaaliya, kaasoo dadaal weyn u galay sidii ay Soomaaliya uga bixin lahayd xilligii KMG ahayd oo ay ku shaqeynaysay muddo 12-sano ka badan, waxaana suurogashay inay hadda dalka ka dhalato dowlad rasmi ah.



 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya