4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2013
Xukuumadda Somalia oo Muqdisho ka furtay shir heer Qaran ah oo dib loogu Habeynayo Waxbarashada Dalka (SAWIRRO)


Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka furtay magaalada Muqdisho shir heer Qaran ah oo looga arrinsanayo dib-u-habaynta waxbarashada Soomaaliya, shirkaan ayaa lagu wadaa inuu socdo mudo saddex maalmood ah. Waxaana qabanqaabadiisa iska kaashaday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, hay’adaha UNESCO iyo UNICEF.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-galay xeel-dheerayaal dhinaca waxbarashada ah oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Iyadoo uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon oo furay shirka uu ka jeediyay halkaas khudbad uu ku sheegay in qorshaha xukuumadda Somalia uu yahay inay miisaaniyad ballaaran u qoondayso waxbarashada dalka.

”Dowladdu waxay ku dadaalaysaa inay waxbarashada dalka ku bixiso lacag la mid ah midda amniga iyo difaaca dalka u qorshaysan,” ayuu yiri Saacid oo ku baaqay in si deg-deg ah loo banneeyo xarumihii waxbarashada ee dalka. "Dadka deggan dugsiyadda iyo dhismayaasha kale ee dawladda waxaan ugu baaqaynaa inay si deg-deg ah uga guuraan goobahaas.”

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka hadlay dib-u soo noolaynta tacliinta sare isagoo xusay in dowladdu ku hawllan tahay in jaamacaddii Ummadda dib loo furo.

“Waxaan ka shaqeynaynaa sidii dib loogu hawlgelin lahaa Jaamacadihii uu dalku lahaa sida jaamacadda ummadda Soomaaliyeed; waxaana lagu soo kordhin doonaa kulliyado hor leh iyo machadyo sare,” ayuu hadalkiisa ku daray. Wuxuuna dhanka kale sheegay in yoolka laga leeyahay dib-u-habaynta waxbarashada dalka ay tahay sidii looga hor-tegi lahaa fikradaha qaldan ee ku dhisan xag-jirnimada iyo qabyaaladda; iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho ka caafimaad qabta fikradahaas.

Dhanka kale, waxaa iyaguna goobta ka hadlay mas’uuliyiin kale oo ay ka mid ahayd wasiiradda horumarinta iyo adeegga bulshada, Maryan Qaasim oo sheegtay in shirkan uu gundhig u yahay sidii caruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho tayeysan.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in shirkan uu yahay mid ay iska leedahay Soomaaliya, balse ay naga kaalmeeyaan hay’adaha UNESCO iyo UNICEF, dadka loogu talogalay inay ka faa’iideystaanna waa Soomaali,” ayay tiri Maryan Qaasim.

Shirka dib-u-soo noolaynta waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo maalinta khamiista ah ee soo socota, waxaana laga soo saari doonaa qorshe Qaran oo ay hoggaanka u qaban doonto wasaaradda hormarinta iyo adeegga bulshada iyo talooyin ku aadan manhaj midaysan oo ay Soomaaliya yeelato 22 sano kaddib.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya